View dur.JPG in slide show

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa magcaabay wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland. Kadib markii uu dhowaan xilkaa iska casilay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose. Magcaabista Wasiirka Arrimaha gudaha waxa lagu sheegay

Digreeto maanta  kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka Madaxweynaha C/llaahi Daahir Cukuse, taas oo u qornayd sidan:-
“Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo uu Numberkiisu yahay  0169/092011 ku Magacaabay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee JSL .

Madaxaweynuhu:

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey:                    Ahmiyadda wayn ee ay Wasaaradu u leedahay  Dalka iyo Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL,

Markuu Ka Fiirsaday:                Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu ku Qancay:                   In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamed Nuur Caraale (Duur), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL.”

 

Dhinaca kale magcaabista Madaxweynaha Somaliland u magcaabay xilka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa kusoo beegantay, iyadoo la saadaalinayay inuu Madaxweyne Siilaanyo isku shaandhayn balaadhan ku samaynayo golihiisa wasiirda munaasibada ciida. Kadib. Lamana hubo inay taasi meesha ka baxday iyo inay weli u qorshaysan tahay Madaxweynaha. Laakiin masuulka loo magcaabay wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale oo ku magac dheer (Duur) ayaa ahaa xildhibaanada golaha wakiilada ee kasoo baxay Berbera, wuxuuna ahaa xubnihii xisbiga UDUB uga soo baxay gobolkaa doorashadii golaha wakiilada ee 2005, balse Xildhibaan Duur wuxuu markii danbe ka mid ahaa xildhaanada mar walba la safan mucaaridka ee aan taageerin inta baddan  qorshayaasha xukuumaddii Daahir Rayaale ee lagaga guulaystay doorashadii madaxtooyada ee 28 Jun 2010. Marka laga reebo qorshayaasha dhinaca Maaliyada.
Xildhibaan Duur wuxuu ahaa xubnaha gudida dhaqaallaha ee golaha wakiilada oo goluhu ku xaman jireen inay  xidhiidh dhaw la lahaayeen  wasiirkii hore ee Maaliyada Cawil Cali Ducaale, taas oo sabab u ahayd inay miisaaniyadihii uu golaha keeni jiray xilgaa Wasiir Cawil la meel mariyo. Laakiin xiligaa uu golaha ka midka ahaa mar walba ka mid ahaa xubnaha ugu dhaqdhaqaaqa baddan, isla markaana kaanbaynada siyaasadeed ee dhinaca deegaanada xiligii diyaargarawga doorashada Madaxtooyada abaabulka kaga jiray, isagoo u ololaynayay in xukuumaddii xiligaa ee Daahir Rayaale meesha laga saaro.

magcaabista xildhibaanka ee galabnimadii Khamiista, waxa habeenimadii suuqa soo galay warar  laysla dhexmarayay oo sheegayay inuu xildhibaan duur ku gacan saydhay magcaabista Madaxweynaha ee xilkaa. laakiin shebekada Araweelonews oo caawa khadka telefoonka kula xidhiidhay, wuxuu u shaagay inaanay waxba ka jirin wararkaa ee uu aqbalay magcaabista madaxweynaha, isla markaana uu qaatay xilka loo magcaaby.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *