Ceergaabo(ANN)Wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in xaalada nabadgelyada ee magaalada Ceerigaabo ay caadi ku soo noqotay oo ay degantahay. Kadib isku daygii fashilmay ee koox dablay ahi ku doonayeen inay ku afduubaan isaga

iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland doraad, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac, balse ciidanka qaranku gacanta ku dhigeen inta baddan kooxdii weerarkaa waday.
Axmed Cabdi Xaabsade oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waxa uu sheegay inay xaaladu degantahay oo aanay taasi wax saamayn ah ku yeelan amaanka magaalada ceergaabo iyo hawshoodi, wuxuuna sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay nabad uga dhex dhalin lahaayeen labada dhinac ee dilalka aanooyinka ahi ka dhexeeyeen oo ay mid walba gaarkeeda  ula kulmeen ka dibna ay meel isugu keeni doonaan si loo heshiisiiyo nabadna looga dhex dhaliyo.

 

Wasiirka warfaafinta Somaliland isaga oo sharaxaad ka bixinaya  xaalada nabad geliyada ee magaalada Ceerigaabo waxa uu yidhi,  “Waxaan idiin sheegayaa in magaalada Ceerigaabo ay ku bariday nabad, dadkiina is dhex marayo, meel walbana la wada joogo, dhacdadii dhacdayna diyaar loo w da yahay in laga heshiiyo, beel beel ayaanu ula shiraynaa waxaanu qolo walba u sheegaynaa nabad geliyadu waxay tarto iyo waxa ay sido iyo colaadu waxay leedahay, markaa waxaanu dadka u sheegaynaa magaaladii inay xasiloon tahay, waxaan qabaa in taa lawada ogsaanaado guddo iyo dibadba.”
Axmed Cabdi Xaabsade waxa kale oo uu ka hadlay khasaarihii ka dhashay weerarkii isaga lala beegsaday kaas  oo ay ku dhinteen askar ka tirsanaa ilaaladiisa, wuxuuna yidhi,  “Waxaan idiin sheegaynaa maanta in ciidamadii dagaalkii yaraa ee dhacay waxa wax soo gaadheen waa ciidamada, ciidamadiina sidaas ayay ku dulqaateen oo ay ku habranayeen dadka in aanay waxba yeelin ciidamaduna raali ayay ku yihiin, maanta sidaas ayaa la isku wada dhex marayaa nabadiina sidaas ayay ku sugantahay waana  lawada deganyahay.” Ayuu yidhi Wasiirka warfaafintu.

Oday  Xaabsade isaga oo ka waramaya dhinacyada  ay ilaa hada la kulmeen kuwa ay yihiin iyo talaabada ku xigta ee ay doonayaan in ay qaadaan kulamadaasi ay beelaha la yeelanayaan ka diba, waxa uu yidhi “Horta nabadgelyadii ayaanu sugaynaa, nabad geliyada markaanu sugno ayaanu u soo jeedsanaynaa hub ka dhigista, Waxaanu rabnaa markaanu qolo walba gaarkeeda ula shirno, in aanu meel isugu keeno dabadeedna halkaa lagasii anba qaado nabadii, dhamaan kulamo waanu lawada galnay beelaha, Habar Jeclo waanu la galnay, Dhulbahante waanu la galnay, Habaryooni waanu la galnay, qolo walba gaarbaanu ula shirnay, iyaguna way isla kulmeen garkooda waxay noo soo celiyeen fidhbaagii, markaa marka ay aragtiyahooda noo soo wada celiyaan ee ay noo yimaadaan ee aanu qolo walba la qaadano ayaanu isugu yeedhaynaa dhamaantoodba.”

Wasiirka warfaafinta Somaliland Xaabsade  ayaa ugu baaqay shacbiga ku dhaqan gobolka Sanaag in ay nabad gelioyada ilaashadaan, magaaladana ku soo celiyaan xasiloonidii, tolnimadii iyo walaalnimadii ay hore ugu wada noolaayeen, isagoo yidhi,  “Shacbiga reer Sanaag waxaanu ugu baaqaynaa nabad geliyadu in ay dal tahay, dalkana lamaga guuro waxaanu leenahay magaalada xasiloonideedii halagu soo celiyo, tolnimadii iyo ehelnimadii magaalada lagu wada deganaa halagu soo celiyo, magaaladu waxay u baahan tahay in lawada dego, in lawada joogo, in lagu wada dhaqmo oo awalba siday ahaan jirtay loogu wada noolaado, waa wiil iyo walaalkii, waa abtigii, waa seedigii, waa sodogii dadka magaalada joogaa, waanay isku baahan yihiin, waxaan leenahay waar nabad geliyada ilaashada, waxay dantu ku jirtaa nabad geliyo in lagu wada noolaado.” Ayuu yidhi md Xaabsade

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *