Hargeysa(ANN)Xisbiga xaakimka Somaliland ee KULMIYE ayaa ka hadlay shaqaaqada ka dhacday Gobolka Sanaag oo ay ku tilmaameen shirqool la iskaga horkeenayo shacbiga gobolkaasi oo ay soo maleegeen maleeshiyada nabad diidka ah ee SSC. Sidoo kale waxa uu ka hadlay Kulmiye

 

faragelinta  ciidamada Ismaamulka  Soomaalida Ethiopia oo ku soo xad gudbay deegaamo ka tirsan Somaliland, marxalada siyaasadeed ee Ururada cusub  iyo doorashooyinka  iyo dhawaaq koox qurba jooga Awdal kasoo baxay oo ku lid ah qaranimada Somaliland iyo arrimo kale.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi  oo shir saxaafadeed uu kaga hadlay arrimahaa oo uu ku qabtay Hargeysa, wuxuu ka akhirayay qoraal uu ku qaadaa dhigay arrimahaa iyo kuwo kale, wuxuuna    u dhignaa sidan:-
“Somaliland oo 20 jirsatay waxay kasoo gudubtay marxalado badan oo adag. Somaliland Shacbigeeda wuxuu ILLAAHAY tallada toosan waafajiyey shirkii Burco 1991, Markii ay lasoo noqotay Qaranimadeedii.Taariikhda ayaa marag u ah taladaasi inay ahayd mid dhaxal gal. Bal ufiirso dabka ka holcaaya Soomaaliya (Koonfur) iyo Nabada, Dawladnimada iyo Horumarka ka jira Somaliland.
Intii aynu dhisaynay Qaranimada Somaliland,Intii aynu dhisaynay Dawlada, Golayaasha sharci dajinta, Xukuumada,Garsoorka,Ciidamada Qalabka Sida, Asxaabta Qaranka waxa jiray kooxo Somaliland diid ah oo ku foogan carqaladaynta dhismaha Qaranka Somaliland. Cadawga Somaliland waxa uu u qaybsamaa laba qaybood:-
A. Mid waxaynu la wadaagnaa mandaqada Geeska Afrika iyo guud ahaan dalalka caalamka waa, Ururo diidan nuxurka dawladnimo, waxay kasoo horjeedaan kala dambaynta talana waxay ka yaqaanaan dil iyo dumin caalamkuna wuxuu u yaqaanaa Argagixiso, waana ku Qaraxyada ka gaystay Hargaysa, Madaxtooyada, Saafaarada Itoobiya iyo UNDP.
B. Cadawga labaad waa askhaas Somaliland u dhashay oo kasoo horjeeda Qaranimada Somaliland.
Dhacdadii Ceerigaabo wuxuu ahaa shirqool ay soo maleegeen Kooxda SSC oo kasoo horjeeda Qaranimada Somaliland, Xisbiga KULMIYE wuxuu Qaranka iyo Qoysaskii ayka baxeen ka Tacsiyadaynayaa dadkii ku dhintay Shirqoolkaas. Marka aynu dhuuxno ujeedada Shirqoolkan wuxuu lahaa laba ujeedo.
1. Inay iska horkeenaan dadka walaalaha ah ee dagan Sool iyo Sanaag.
2. Inay iska horkeenaan Beelaha Bariga Somaliland iyo Xukuumadooda.
Hase yeeshee waxaa ILLAAHAY Mahadiiya in shacbiga Gobolada Bari iyo Dawlada siiba Ciidamada kala duwan ee Qaranku ay si fiican u fahmeen ujeedada Shirqoolkaa si wada jir ahna uga hortageen.
Xisbiga KULMIYE wuxuu ku bogaadinayaa shacbiga Gobolada Sool iyo Sanaag, Maamulka Gobolka Sanaag, Waftiga Dawlada ee heer Qaran iyo Ciidamada Qaranka ee sida Xilkasnimada iyo geesinimada leh ee ay uga hortageen Shirqoolkan iyo sida ay u sugeen Amaanka Gobolka.
Maalmahan waxa Warbaahinta ka arkaynay koox dibad yaal ah, oo usoo tafo xaydatay sidii ay qas uga abuurilahaayeen Gobolka Awdal.Xisbiga KULMIYE waxa uu ogyahay in reer Awal yihiin kuwii qaybta Libaax ka qaatay dhismaha Somaliland iyo adkaynta Nabadgalyada. Waxaa la hubaa in Gobolka Awdal ku talaabsaday Horumar balaadhan intii Somaliland jirtay. Awdal waa Gobolka hormood dhinaca Nabada,Waxbarashada iyo Horumarka.
Sidaa darteed Xisbiga KULMIYE wuxuu aaminsan yahay in Shacbiga reer Awdal si wad jir ah uga hortagi doonaan cid kasta oo ku soo duusha Nabadgalyadooda, Horumarkooda iyo Qaranimada Somaliland.
Dhinaca kale baryahay dambe waxaa dhacday in ciidamada Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Itoobiya ay Deegaamo xadka dhicana Somaliand ah u soo gubeen.
Somaliland marnaba ma faro galiso arrimaha dalalka jaarka . Somaliland waxy diyaar u tahay in ay Nabada iyo Horumarka iska kaashadaan dawladaha Jaarka, Xisbiga KULMIYE sida uu ka warqabo Xukuumadu way kala Xidhiidhay dawlada Itoobiya dhacdooyinkan. Waxaanu ku talinaynaa in dhinac waliba ka foojignaado wixii Nabad-galyada iyo Jaarnimada wax u dhimi kara si aanay ugu soo gaban Kooxaha Nabad diidka ahi.
Dalka waxaa ku soo fool leh Doorashooyin, Doorashooyinku waxay leeyihiin Xumadooda, Xamaasadooda iyo Loolan afkaareed taasina waa Dimuqraadiyada waxaana loo baahan yahay in laga foojignaado in aanay u gudbin heer Qalalaase iyo Fawdo ah.
Dawladu iyada oo fulinaysa Barnaamijkii Xibsiga KULMIYE waxay ogolaatay furashada Ururo Siyaasadeed iyo in Da’da Xildhibaanada dawladaha hoose laga dhigo 25 sanno.
Si aanay doorashooyinku dib uga dhicin wakhtigooda Golayaasha Sharci dajinta waxa laga codsanayaa in ay dhamaystiraan Xeerarka Doorashoyinka .
Komishanka Doorashooyinka iyo Guddida Diiwaan galinta waa in ay dar-dar galiyaan hawlahoodii kaga aadanaa Doorashooyinka.
Xukuumadu waa in ay ku tallo gashaa dhaqaalihii Doorashooyinka ku bixi lahaa.
Ururada Siyaasadu waa in ay noqdaan kuwa dhisa Qaranimada, xoojiya Nabada, adkeeya midnimada Somaliland waa in aanay noqon Ururada Siyaasadeed kuwa ku kooban Koox gaara ama Qof, waa inay la yimaadaan Barnaamijyo Horumarineed.
Dhalin-yarada oo maanta In badani jaamacado kasoo baxeen waxaa laga sugayaa in ay waxtar iyo Aqoon kusoo kordhiyaan Saaxada Siyaasada Somaliland.
Xisbiga KULMIYE wuxuu ku kalsoon yahay in shacbiga Somaliland u bisil yahay Xamaasada Doorashooyinka,Loolanka Asxaabta iyo Tartanka Ururada Siyaasadeed.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *