Hargeysa(ANN)Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta soo saaray baaq nabadeed ay u direen dilalkii ka dhashay aanooyinka qaar ka mid ah dadka wada degan Ceerigaabo , kaasoo markii danbena sababay in dabley ka mid ah dhinacyada xurguftu dhexmartay ay doraad weerar shirqool gaadmo

ah ku dileen saddex askari oo ka mid ah ciidammada qaranka oo la socday Wasiirka Warfaafunta iyo Taliyaha Ciidanka asluubta Somaliland.

Baaqu waxa uu dadweynaha wada- dega Ceerigaabo u soo jeediyay inay soo celiyaan wanaagii iyo qaabka nabadgelyo ku xaliyaan xurgufta taagan, baaqaas oo ay soo saareen shir-guddoonka Guurtidu wuxuu u dhignaa sidan;  “Golaha Guurtida Somaliland fadhi uu yeeshay maanta oo Salaasa ah bishuna tahay 08/11/2011 wuxuu go’aamiyay inuu baaq nabadgelyo goluhu u diro dadka  walaalaha ah ee xarguftu ku dhex martay gobolka Sanaag gaar ahaan magaalada Ceerigaabo:-
1- Marka hore goluhu isagoo ka xun waxa uu tacsi u dirayaa qoysaskii waxyeeladdu ka soo gaadhay dhacdadaasi, inta dhimatayna ALLEh ha u naxariisto, inta dhaawacantayna ALLEh ha caafimaadiyo.
2- Dadweynaha deegaanka Ceerigaabo,  ama gobolka Sanaagba Golaha Guurtidu wuxuu baaq nabadgelyo ah u dirayaa dadka walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay magaalada Ceerigaabo, waxaanay ku adkaynayaan inay soo celiyaan wanaagii lagu yaqaanay ee ay ku dhamaysan jireen arrimahooda dhinaca Nabadgelyada.
3- Labadan dhinac  ee shaqaaqadu hore ugu dhex martay deegaankaasina waxay Golaha Guurtidu ka codsanayaan baaqna ugu jeedinayaan inay hawlaha ammaanka iyo xasiloonida lagu adkaynayo ay ka qeyb qaataan, gogasha nabaddana ay soo fadhiistaan wixii tabasho ah ee jirtana lagu dhammeeyo wada hadal iyo is afgarad.
Ugu dambayntii waxaanu ILAAHAY uga rajaynaynaa inuu ALLEh arrintaasi inoo fududeeyo, dadkaasi walaalaha ah ee dirirtu dhex martayna ALLEh baggoodda burcad isku mariyo.”ayaa lagu yidhi qoraalkaa.
Dhinaca kale xaalada magaalada Ceergaabo ayaa deganayd wixii ka danbeeyay rabshadii dhacday doraad, waxayna wefdiga xukuumadda Somaliland ee halkaa u tegey xalinta khilaafkaasi bilaabeen kulamo ay la yeesheen waxgaradka labada dhinac ee xurguftu colaadeed iyo dilalka la xidhiidha aanooyinku dhex martay, iyadoo ay xoggo laga helay kulamadaasi tibaaxayaan inay suurta gal tahay in lasoo afjaro xiisada ka taagan halkaa ee u dhexeysa qaar ka mid ah dadka deegaanka magaalada Ceergaabo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *