https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=136256a51f284685&attid=0.4&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1332097638907&sads=0mAM-oHveH6CQG_TD7XpGTF2lwc&sadssc=1Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Hay’adda  dalka Turkiga u qaabilsan iskaashiga iyo xidhiidhka caalamiga ah, taas oo si toos ah u hoos tagta   xafiiska  Raysal wasaaraha

 

dalkaa.
Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay maanta wefdi ka socda Bangiga Horu-marinta Afrika (African Development Bank), kuuwaas oo iyana booqasho ku yimi Somaliland shalay.
Kulamadaa oo aanay saxaafadu goob joog ka ahayn waxyaabaha lagaga hadlay, waxa kasoo baxay kadib qoraalo saxaafada loo qaybiyay oo lagu sheegayo ujeedooyinka socdaalada wufuuda kala duwan iyo waxyaabaha Xukuumadda Somaliland ay ka wada haleen.
Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) , ayaa qoraal kooban oo uu kulankaa kadib soo saaray ku yidhi sidan:-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Hay’adda Dawladda Turkiga u qaabilsan wax-wada qabsiga iyo xidhiidhka oo hoos timaada Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee Jamhuuriyada Turkiga.
Abdulahad Kokdagi oo ah TIKA SOMALI PROGRAM COORDINATOR,  ayaa madaxweynaha uga waramay ujeedada Socdaalka uu weftigiisu ku yimid dalka waxaanu sheegay inay Dawladdiisu diyaar u tahay sidii ay Somaliland uga caawin lahayd, Baahiyaha Horu-marineed hadii ay noqon lahayd wadooyinka, caafimaadka, waxbarashada iyo wixii la mida.

 


Madaxweynaha Somaliland ayaa Dawladda turkiga ku amaanay fir-fircoonida xidhiidhka caalamiga ah ee ay la leedahay Dunida inteeda kale. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in uu xidhiidh fac-weyni ka dhaxeeyo Turkiga iyo Somaliland. Ugu danbayna Madaxweynuhu waxa uu ka waramay baahida ay Somaliland u qabto kaalmada Turkiga oo uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay inay rummoobi-doonto, wasiiradda, Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta iyo Macdanta, Tamarta & Biyaha, ayaannu u xil-saaray inay weftiga u qadimaan baahiyaha Lama huraanka ah ee ay Dawladda Turkigu ka caawin karto Somaliland.
Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda Baanka horumarinta Afrika oo socdaal shaqo ku yimi  dalka Axadii shalay. Waxaana kulankaa kadib  waxa war-murtiyeed kasoo baxay Madaxtooyada lagaga hadlay waxyaabaha wefdiga Baanka Horumarinta iyo Madaxweynaha Somliland ka wada hadleen.  Qoraal saxaafada loogu tala galay oo uu ku saxeexanyahay Af-hayeenka madaxtooyadda ayaa  u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Bangiga Horu-marinta Afrika (African Development Bank).
Madaxa Weftiga oo madaxweynaha uga waramay u jeedada socdaalkooda ayaa sheegay in uu baanka horumarinta Afrika diyaar u yahay inay Somaliland qayb ka noqoto mashaariicda horumarineed ee uu baanku ka wado mandaqada.
Xubnaha weftiga ayaa ku dheeraaday muuqaalka quruxda badan ee ay Somaliland kala kulmeen waxaanay sheegeen in uu soo jiitay marka la eego nabad-gelyada, hour-marka laxaadka leh ee ganacsiga madaxa banana iyo hanaanka dawladnimo ee ka tisqaaday.
Madaxweynaha Somaliland oo weftiga ku soo dhaweyey dalka ayaa uga waramay kartida ay la timid Somaliland ee ay ku dhisatay dawladnimada iyo nabad-gelyada ka jirta, haatana ay u baahan tahay cid ka gacan qabata hour-marka, waxaanu madaxweynuhu soo dhaweeyey booqashada uu baanku ku yimid dalka isaga oo ku dhiiri-gelioyey in ay dhinacooda ku soo dhiiradaan in ay Somaliland wax kala qabtaan horumarka dhinac-yadabadan ee ay u baahan tahay .” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *