Hargeysa(ANN) Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka mid ah Salnadaha ugu facaweyn Somaliland,  ayaa si adag uga horyimi xadhiga Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur Madow) oo xukuumadu ay Khamiistii  Xabsiga u taxaabtay. Kadib markii  uu ka soo degay garoonka

 

Diyaaradaha ee Hargeysa, isagoo kusoo laabtay dalkiisa.
Suldaan Maxamed C/qaadir ayaa  ku tilmaamay qabashada Boqor Cismaan mid u dhacday qaab fool xun, iyadoo ay waqtigaa madaarka ku sugayeen salaadiin, siyaasiiyiin, fanaaniin iyo qaybo kale oo bulshada ka tirsan kuwaas oo doonayay inay soo dhoweeyaan.
Suldaan Maxamed waxa uu sheegay inaan sharciga Somaliland loo sinayn, isagoo sheegay in Salaadiinta, Boqorada iyo Isimada aan la xidhi Karin sida aan loo xidhi Karin xubnaha Guurtida, Wakiilada iyo Wasiirada, maadaama oo ay xasaanad huwan yihiin.
Suldaan Maxamed Waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay Wargeyska Haatuf ee kasoo baxa magaalada Hargeysa,  waraysigaa  oo sidoo kale uu ugu baaqay  Madaxweyne Siilaanyo in si degdeg ah xoriyadiisa  loogu soo celiyo Boqor Cismaan Buur Madow, maadaama oo Somaliland ay ka jirto Dimuqraadiyad oo la dhaliili karo xukuumadda hadda jirta, sidii iyaguba markay mucaaridka ahaayeen ay u dhaliili jireen Xukuumadii Sabankii Rayaale.
Ugu horayna Suldaanku isaga oo ka hadlaya qabashada Boqorka, waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay Qabashada Boqor Cismaan Buur Madow, qaab aad u fool xun ayay u dhacday, Salaadiintii damacsanayd inay Airport-ka kaga hor tagtana waa loo diiday, oo kadinka madaarka laga galo ayaa lagu celiyey, CID-dana in loo furo kol haddii kadinkaa lagu celiyey ma jirto, runtii anigu xidhiidh waan la sameeyey intuu Dubai joogay maadaama oo aan ahayd Suldaankii guud ee Beelaha Somaliland, Madaxweynuhuna uu yahay Madaxweynihii Somaliland, waatan imika aan TV-yada ka arkayey in halkaa qoraal Maxkamaddu ay soo saartay loo dhigay, boqorku intaanu imana waxa aan waydiiyey wax Cafis ahi may jiraan, maya ayuu yidhi anuu waxba maan soo qorine waan imanayaa dalka nin u dhashay oo reer Somaliland ah ayaan ahay, waa hagaag ayaan ku idhi.
Markaa waxa aan leeyahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland in boqorkaa xoriyadiisa loo celiyo, ta labaad Dimuqraadiyad ayaa ka jirta Somaliland oo qofka bini’aadamka ahi wixii uu tabanayo wuu sheegi karaa, Maadaama oo Madaxweynihii Somaliland aad tahay, ana aan Suldaankii Guud ee Beelaha Somaliland aan ahay, waxaan kaa codsanayaa Madaxweyne in aad xoriyadiisa u celiso oo aad sii dayso Boqor Cismaan.

Suldaan Maxamed oo la weydiiyay sida uu u arko eedaha xukuumaddu ku  sheegayso inuu hadalo kicin iyo Nabad Galyo daro ah uu galay Boqor Cisamaan, waxa uu yidhi,
“Horta waxa aan qabaa anigu, Dawladda, Markii loo tartamayey Asxaabta ayaa hadii sharciga loo siman yahay ahayd in dad badan la xidho oo Aflagaadooyin ku hadli jiray maalinta ay banaan bax leeyihiin oo ha uguba sii horeeyo xisbigii Kulmiye cidii markaa Matalaysay Madaxdiisa sare, dee haddii dadka wixii aflagaado ah oon cay ahayn, laakiin Facaa’ilka xukuumada aad wax ka taataabato, haddii sharciyada la isku horgeynayo, dee kuwii hore ee sharciyadaba sidaa u aflagaadaynayey sabankii Riyaale, maxay maxkamada gobolku u xidhi wayday oo ay dacwad ugu oogi wayday, anigu waxa aan qabaa Warsaxaafadeedka uu bixiyey Boqor Cismaan inuu xaq u leeyahay in wixii uu dhaliil u arko dee inuu ka waramo.”
Mar la weydiiyay waxa uu kala socdo wararka sheegaya inay xukuumaddu dalbatay oo ay u sheegtay inay ka noqotay waarankii hore ay ugu jartay, waxa uu yidhi,
“Taasi haday jirto cidii cafiskaasi tidhi ku soo gal aanay sharci u samaynin iyaga laftooda ayaa dambiileyaal ah, oo maxay u soo lugoynayaan haddii ay taasiba iyagu ku yidhaahdeen, markaa anigu waxa aan qabaa Salaadiinta, Boqorada iyo Isimadu sida ay xubnaha xukuumadu ay u mudan yihiin in aan la xidhi Karin in sharciga loo wada siman yahay, waxa aan anuu u arkaa in ninka xubin Baarlamaanka ah lama xidhi karo, Golaha Guurtida cidi ma xidhi karto, golaha Wasiirada Cidi ma xidhi karto, Salaadiintii iyaga ka saraysay ee soo xushay ee soo dooratay waa la xidhi karaa laba is qabta maaha runtii.”
Suldaan Maxamed waxa uu ku dooday inaan  sharciga loo sinayn, isagoo tusaale usoo qaatay in xukuumadda looga baahanayahay in ninka Baarlamaanka ku jira marka la soo xidho in sharci laga soo saaro oo in la xidhi karo ay sharci ku dhawaaqdo, oo ninka Suldaan ah in la xidhi karo ay ku dhawaaqdo. 
Dhinaca kale Boqor Cisamaan ayaa weli ku jira xarunta CID, iyadoo si weyn looga cadhooday qaabka ay xukuumaddu ula dhaqantay madax-dhaqameedkaa oo caan ku noqday hawlaha nabada gobolka iyo xalinta mushkiladaha colaadaha ka aloosan, isagoo waqtigana qorshaynayay sidii nabad looga dhalin lahaa gobolada bariga Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *