Image: Saif al-Islam

Libya-(ANN) wiilka uu dhalay Hogaamiyihii hore ee dalka Libya laga inqilaabay Muammar Qaddafi  oo lagu magcaabo  Saif al-Islam,  ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay maanta. Kadib markii lagu qabtay magaalo ku taala koonfurta dalka Libya ee dhinaca saxaraha oo lagu magcaabo Obari, taas

 

oo u dhow magaalada Koonfurta ee Sabha oo 400 mls koonfur kaga beegan caasimada Tripoli.  
Bashir al-Tlayeb oo ka tirsan mucaaridka dalkaa qabsay ayaa sheegay in la qabtay Saif Islaam isagoo doonayay inuu u talaabo xadka ay Libya la wadaagto Niger. Wuxuuna sheegay in waxa laga yeelayo Saif Islaam ay u taal golaha ku meelgaadhka ah ee dalka Libya. Mucaaridka Libya ayaa mudadii uu socday dagaalku dhawr jeer sheegay warar ay ku sheegayaan inay dileen ama qabteen wiilasha hogaamiyihii Libya Mucmar qadaafi, balse sheegashooyinkaasi waxay noqdeen kuwo been ah. Sidaa awgeed wararka qabashada Saif Islaam ayaan dad badani rumaysan karin, iyadoo maxkamadda denbiyada dagaalku hore u dalbtay inay mucaaradka Libya soo dhiibaan haddii ay qabtaan saif Islaam iyo aabihii ka hor intii aan sida foosha xun loo dilin bilishii lasoo dhaafay.

Image: Seif al-Islam Gadhafi is pictured standing in a plane in Zintan

Dhinaca kale Wasiirka cadaaladda dalka Libya Mohammed al-Allag ayaa isna u  xaqiijiyay Warbaahinta caalamka in  Saif Islaam qabashadiisu tahay mid dhab ah, iyadoo loo qaaday isaga laba qof oo shaqaalihiisa ah diyaarad  helicopte rlasoo saaray oo   loo qaaday dhinaca magaalada Zintan, ee waqooyiga dalka ku taal. waxa jira dareen la xidhiidha in indhaha caalamku eegayaan    sida ay ula dhaqmaan mucaaridka qabsaday dalka wiilka uu dhalay hogaamiyihii hore. Wararka Saif Islaam ayaa kusoo beegmay iyadoo warbaahinta reer galbeedka iyo iyo dadka Siyaasada Libya indhaha ku hayaa sheegayaan inuu jiro wadahadal   u dhexeeya Mucaaridka dalkaa qabsaday iyo wiilka uu dhalay Hogaamiyihii hore ee Qadaafi, Saif islaam oo xidhiidh dhaw la lahaa wadamada reer galbeedka.
Wixii kasoo kordha warkaa kala soco shebekada Araweelonews
Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *