Hargeysa(ANN) Kulan lagaga hadlayo doorka saxaafada ee maamulwanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa  oo ay wadajir usoo qabanqaabiyeen Gudida Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa ayaa maanta ka furmay Hutel Imperial ee magaalada Hargeysa.Kulankaa oo

ujeedadiisu ahayd doorka saxaafada ee maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa oo socon doona sadex maalmood, waxa lagaga hadlayaa waajibka suxufiga ee bulshada iyo qaabka saxaafadu u baahinayso wararka iyo macluumaadka la xidhiidha waajibka tebinta wararka iyo dhacdooyinka iyo sidoo kale waxyaabaha aasaaska u ah dhinaca horumarka iyo ilaalinta doorka xukuumadda ee adeegyada ay bulshada uga masuulka tahay.
Sidoo kale xaqa iyo waajibaadka loogu leeyahay dawladda ee dhinaca xuquuqda suxufiga iyo xaqa ay bulshadu ugu leedahay dawladda inay hesho adeegyada ay masuulka ka tahay iyo waajibka dawladu ku leedahay bulshada.


Furitaankii kulankaa waxa ka hadlay Xuseen Cali Nuur oo ka mid ah Odayaasha saxaafada, isla markaana ah Tafaftiraha The Republican oo ah wargeyska ay mataanaha yihiin jamhuuriya iyo wakaalada wararka ee Reuter, wuxuuna  warbixin kooban ka bixiyay doorka saxaafada Somaliland iyo marxaladihii ay soo martay iyo dhibaatooyinka horyaala, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “ Burburkii muu ahayn daaraha oo keliya ee waxa Burburay dhaqankii iyo nidaamkii, saxaafaduna waa ta keliya ee iftiiminkarta mushkiladaha iyo dhibaatooyinka jira.
“Dalkani wuxuu ku sii socdaa inuu gacanta u galo koox ganacsato ah, maaha in aan waxba laga qabankarin laakiin waxaa jirta habrasho. Intii la sameeyay Hay’addan (la dagaalanka Musuqmaasuqa) waxbaddan ayaa qabsoomay oo ay kashiftay. “ ayuu yidhi  Xuseen Cali Nuur.
Sidoo kale C/raxmaan Cismaan Caalin oo ka mid ah xubnaha golaha wakiilada Somaliland ayaa hadal kooban oo uu furitaankii kulankaa ka jeediyay kaga waramay doorka iyo waajibaadka saxaafada, isagoo yidhi, “Saxaafadu waa inay dalka ku hagtaa meel aan lahayn musuqmaasuq oo cadaaladdi ka jrto. Waa marka dhinaca wanaagsan loo adeegsanayo saxaafada.” Xildhibaan C/raxmaan  Cismaan Caalin oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland.
Gudoomiyaha  Gudida maamulwanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa  Axmed Muxumed Madar oo sidoo kale warbixin uu kaga hadlay ahmiyada kulankaa iyo doorka hay’addooda iyo waajibka saxaafada kaga  waramay ayaa yidhi, “Saxaafadu way dareensatahay labaatankii sanadood ee aynu dalka joognay kaalinta ay  kasoo qaadatay, maamuladii hore waxa muuqatay inaanay maamulka iyo saxaafadu isku sanbanaanayn. Sababtuna waxay ahayd in wanaaga maamulku sameeyo la gaadhsiiyo bulshada, wixii ay xumeeyaana la gaadhsiiyo bulshada.  Doorka saxaafadu maaha mid la dafiri karo labaatankaa sanadood.  Haddii Hay’addan ( maamul wanaaga  iyo la dagaalanka  musuqmaasuqu )  iyo saxaafadu ay noqdaan kuwo sax ah oo wax hagaajinaya dalku wuu hagaagayaa. Haddiii aanay labadaasi garan waajibkoodana waxba ma hagaagayaan.”
.
Gudoomiyaha Gudida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa qiray doorka ganacsatada ee uu tilmaamay Xuseen Cali Nuur, isla markaana wuxuu carabka ku dhiftay inay dedaal baddan sameeyeen mudadii ay Hay’addoodu jirtay, balse aan weli waxbadan la qaban, wuxuuna isagoo la hadlaya saxaafada yidhi,   “Saxaafadu waa inay xukuumadda u sheegtaa waajibka ay ku leeyihiin  iyo waxa looga baahanyahay”
Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta SOL J A  Maxamed Rashiir Muxumed Faarax  oo  sidoo kale hadal kooban oo ku saabsan  ujeedad kulankaa ka sheegay madasha ayaa carabka ku dhuftay masuuliyada saxafiyiinta iyo waxa xaq loogu leeyahay ee dhinacyada dawladda iyo bulshada oo la xidhiidha adeegayada ay bulshada u qabtaan.
Kulankaa oo soconaya mudo sadax maalmood ah waxa lagu lafaguri doonaa doorka saxaafada iyo waajibaadka suxufiga ee dhinaca adeegyada ay bulshada u hayaan iyo waxyaabaha waajib loogu leeyahay iyo sidoo kale xaqa  ay suxufiyiintu leeyihiin. halkan ka dhegeyso Hees ka Hadlaysa Musuqmaasuqa oo xiligii Ololaha doorashada madaxtooyada Idaacadii Radio Horyaal ee Xisbiga Kulmiye oo waqtigaa ahaa mucaaridka ugu awooda badani saari jiray, balse aan dib loo maqal  http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=eNueTLmd0RA

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *