Grabbed Frame 7

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha siyaasadda ee Xisbiga UDUB Mr. Cali Maxamed Waran-cadde ayaa naqdiyay go’aankii dhawaan Golaha Wakiiladda Somaliland ku laaleen diiwaan gelintii codbixiyeyaasha, waxaanu khilaafay go’aankii Ku simaha Guddoomiyaha Xisbigiisu uu ku soo dhaweeyay

 

laalista diiwaan gelinta.
Cali Waran Cadde, waxa uu sidaa ku sheegay  oo kulan ay komishanka doorashooyinka kula yeesheen xafiiskooda masuuliyiin ka socday xisbiyada mucaaridka ee UDUB iyo UCID. Kulankaa kadib uu ay saxaafada la hadleen xubnaha ka socday labada xisbi ayuu Cali Warancade ku  tilmaamay inuu la yaabay go’aankii lagu laalay diiwaan gelintii codbixiyeyaasha.
“Waxaanu Komishanka doorashooyinka la yeelanay kulan, waxaanuna kala hadleynay sida doorashooyinku u dhacayaan iyo is-afgaran waa ka taagan nidaamka cusub ee imika socda. anagana waxa noo muuqda in nidaamka la wadaa ee  Diiwaangalin la’aanta uu yahay mid khalkhal uu ku jiro oo aan saxnayn. Anagu (UDUB) ahaan waanu qabnay in diiwaangalintii hore ay ahayd diiwaangalin aan sax ahayn oo aan lagu gali karin doorasho dambe, balse waxay noo sheegeen inaanay garanayn halka laga keenay laalista diiwaangelinta iyo in diiiwaangelin la’aan lagu galo doorashada “ayuu yidhi Cali Warancadde.
Mr. Warancadde waxa uu sheegay hore u soo jeediyeen in dalka laga qabto diiwaan gelin cusub isagoo  yidhi “Waxaanu ka codsanaynaa dawlada, Komishanka iyo qaadhaan bixiyeyaashaba in la laallo diiwaangalintii hore, waxaanuna codsanay in diiwaan galin cusub dalka laga qabto muddo lix bilood ah, haddii ay ugu badatana muddo sanad ah.”
Guddoomiyaha siyaasadda xisbiga UCID waxa uu sheegay la wado wax uu ugu yeedhay qorshe lagu xagal daacinayo dalka oo ay wadaan dawlado shisheeye waxaanu ku dooday in la doonayo in dalka laga sameeyo ururo siyaasadeed oo badan oo xaafado  ummadda u kala qeybinaya, “waxaynu lahayn Ururo qaran hala furo ee maynu lahayn Ururo xaafado ah hala furo.”
Dhinaca kale Maxamed Shabaash oo ah Xoghayaha ku meelgaadhka ee xisbiga UCID oo ka mid ahaa masuuliyiinta kulankaa la yeelatay komishanka qaranka ee doorashooyinka ayaa sheegay inay masuuliyiinta UDUB ku wada socdeen arrintaa. Laakiin ay UCID ahaan si gaara ugala hadleen Komishanka xildhibaanadii ka baxay xisbiga, taas oo uu sheegay inay Komishanku u sheegeen inay u gudbiyeen maxkamadda distooriga ah oo ay kala xidhiidhaan. 
Dhawaaqa Warancade ee mawqifka diiwaangelinta ay golaha wakiiladu  laa’leen, ayaa muujinaya in xisbiga UDUB ku kala feker duwanyahay arrintaa, iyadoo ku simaha Guddoomiyaha xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin,  hore usoo dhaweeyay go’aankii lagu laalay diiwaan gelintii codbixiyeyaasha, kaas oo uu ku tilmaamay waqtigaa  inuu ahaa go’aan horeba loogu baahnaa oo xiligana  duruufi keentay.

Gudida Doorashooyinka Somaliland ayaa hore u sheegay inay soo dhowaynayaan go’aanka golaha wakiilada Somaliland 9 Nov 2011, ku laa’leen  codbixintii doorashada ee dalka ka dhacday 26 Jun 2010. Waxayna  gudidu si cad u sheegeen inay diiwaangelin la’aan ku qabanayaan doorashada golayaasha deegaanka ee la filayo in la qabto April 2012. Laakiin hada waxa soo baxaya dhawaaqyo ka gedisan mawqifkoodii hore ee ay kusoo dhoweeyeen talaabadaa golaha wakiiladu ku laa’leen diiwaangelinta.
Mawduuca laa’lista diiwaangelinta doorashadii madaxtooyada ee kal hore  oo ka yimi mooshin debeda lagaga soo shaqeeyay oo golaha wakiiladu meel mariyeen, balse weli aan ahayn sharci ayaa u muuqda mid si weyn u dhaawaci kara nidaamka geedi socodka  doorashooyinka iyo dumuqraadiyada Somaliland ay dunidu ku majeerato, isla markaana mawduucan oo ah mid si weyn loogu kala qaybsanyahay dhinaca bulshada iyo xisbiyada siyaasada ayaa abuuri kara sawaxan iyo buuq siyaasadee oo ragaadiya hanaanka dumuqraadiga ah ee Somaliland, iyadoo dhinaca kalena mooshinka lagu laa’lay diiwaangelinta codbixinta doorashadii kal hare uu yahay mid aan waafaqsanayn shuruucda doorashooyinkaSomaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *