Berbera(ANN)Waftigii ganacsatada ahaa ee ka socday shirkada Al-jaabiri oo kulan  la qaatay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa gaadhay magaalada Berbera oo ay ku leeyihiin Maxjarka xoolaha, waxayna  toos  u waajaheen

 

booqasho  kormeer ah oo ay kusoo mareen maxjarada labada ah ee ay shirkadoodu maamusho(Gulf International) ee midi hada shaqeeyo kakalena dhismihiisu ka socday duleedka haamaha shidaalka, balse la hakiyay.

waftigan ayaa ka koobnaa wiil uu dhalay Al-jaabiri, Ganacsade  Cabdala Al- Camuudi  iyo iyo raaciyadoodii  u joogtay shirkaadooda Gulf International Berbera. Sidoo kale waxa la socday   wiilka  uu dhalay ganacsadaha Saleeban Al-jaabiri,  ninka ganacsadaha ah ee ay shirkadan gulf wada leeyihiin oo lagu magcaabo  Cabdala Al- Camuudi iyo maamulaha guud ee shirkada gulf international Xassan Alxasaani. Kooxda  waxa  horkacayay  oo hogaaminaayay dilaalkooda weyn ee Cali Ibraahin Ciise(Cali Waraabe), laakiin   waftigan ayaan magaalada Berbera ka helin raxlayntii iyo soo dhaweyntii ay uga barteen maamulkii halkan Berbera u joogi jiray xukumadii udub oo  xidhiidhka wanaagsani ka dhexeeyay shirkaddaa  uu gadhwadeen u  yahay ganacsdaha Al-jaabiri ee kootada loogu xidhay xoolaha nool waqtigii ay xukunka dalka haysay xukumadii Daahir Rayaale ee lagaga guulaystay doorashadii madaxtooyadda ee ka dhacday Somaliland 26 Jun 2010.

Kooxda ka socotay  Al-jaabiri ayaanay wax farxadi wajigooda ka muuqan, isla markaana kooxda oo booqday  xarunta Maxjarka ay ku leeyihiin halkaa oo ah xeriyihii hore ee xoolaha lagu xerayn jiray oo ay ku xidheen qasabado si xoolaha loogu siiyo Biyo iyo Caws. Sidoo kale kooxda Al-jaabiri ayaa booqday  goob ay doonayeen inay ka sameeyaan  maxjarkii rasmiga ahaa ee ay hore ugu balanqaadeen oo laga bilaabay dhulka duleedka haamaha Shidaalka ee Berbera. Laakiin ay xukuumaddii rayaale Digreeto madaxweyne kusoo saartay in aan wax dhisme ah laga binayn dhulkaa oo kaydka Dekedda ah ayaa  xiligii kala guurka labada xukuumadood looga  bilaabay si qarsoodi ah dhisme ayaa la joojiyay. Kadib markii la xaqiiqsaday in aanay ahayn goob ku haboon Maxjar in laga sameeyo, kaas oo hadda la hakiyay.

Suxufiyiin doonayay inay wax ka weydiiyaan ujeedada socdaalkooda  kooxdaa Al-jaabiri ayaanay u suurta gelin. Kadib markii Ganacsade  Cali Waraabe oo ka mid ah dilaaliinta Al-jaabiri   iska hortaagay inay kooxdaa wax ka weydiiyaan hawlaha ay wadaan iyo waxa iska bedelay hawshoodii ganacsi mar haddii ay meesha ka baxday xukuumaddii ay heshiiska la galeen.

Sidoo kale waxay suxufiyiintu doonayeen inay kooxda Al-jaabiri wax ka weydiiiyaan, waxyaabaha sababay xoolaha laga soo celiyay labadii markab ee ugu danbeeyay ee ay u raraan dalka Sucuudiga, halka Markabkii kale ee shirkadda Deero u rarnaa oo ay mar   ka wada bexeen Berbera laga rogay gebi ahaanba xoolihii saarnaa, iyadoo  socdaalkooda Berbera  ku soo beegmay  iyadoo  ay Dekedda taagan yihiin laba markab oo xoolo soo celiyay, kuwaas oo ka baxay Maxjarkooda, isla markaana magacyadoodu kala yihiin  M/V Betta oo dib ugu soo celiyay Dekedda Berbera xoolo gaadhaya  (10.000)neef, halka Markabka  kale ee lagu magcaabo  M/V Malak uu  soo celiyay (7000)neef oo ay hore uga qaadeen Dekedda  Berbera labadaa markab, kuwaas oo  wadarta xoolaha ay soo celiyeen  yihiin  (17000)neef oo Adhi ah.

Xoolahaa  oo lagu baadhay  Maxjarka ay leeyihiin  Al-jaabiri ayaa sitay  shahaadada uu bixiyo maxjarkaa ee caafimaadka oo  ay shirkadiisu maamusho, waxaana  xoolaha lahaa dhamaantood lahaa  ganacsato muwaadiniin ah, iyadoo   xoolaha mar lala raray markab weyn oo ay leedahay shirkada Al-jaabiri oo lagu magacaabo M/V Baraka 5, kaas oo qaaday  xoolo dhan (76000)neef oo ay lahayd  shirkada Al-jaabiri, kuwaas  xoolaha mar lagu wada baadhay oo dhiiga lagaga qaaday maxjarka uu Al-jaabiri uu maamulo, iyadoo la siiyay shahaado ay hore u sheegeen inay tahay mid caalamiya oo wadamada khaliijka laga aqoonsan yahay. Kooxda Al-jaabiri waxay booqashada goobahaa ka dib iyagoo u muuqday kuwo weji gabax iyo filanwaa ku dhacay ka dhoofeen Madaarka Berbera, taas oo ahayd mid bilaa sanqadh ah oo aan hore looga baran mudadii xukuumaddii hore ee Rayaale.

Haseyeeshee soo celinta xoolaha ay khaaska u lahaayeen ganacsatada muwaadiniinta Somaliland ee la mariyay maxjarka Al-jaabiri  ayaa u muuqata mid siyaasadeed, oo lagu wiiqayo ganacsatada xoolaha ee muwaadiniinta ah.
Sida la ogyahay  shirkadda Gulf international iyo masuuliyiinteeda ganacsiga ku bahoobay oo hore xukuumaddii Rayaale   kooto  ugu galisay xoolaha nool ee soomaaliland, waxa la rumaysan yahay  in aanay ku faraxsaneyn maxjarka labaad ee laga furay,  Balse  waxa muuqata hadda inay  ka  rajo qabeen intii aan la bedeli wasiirkii hore ee xanaannadda  xoolaha Dr Axmed Xaashi Oday oo isagu intii xilkaa hayay siwanaagsan ula shaqeeyay shirkadda, isla markaana aan ka madhnayn bilawgii qorshaha Al-jaabiri ayay dad badani xusuusan yihiin  Dr.  Axmed Xaashi Oday dareenkii uu ka muujiyay  munaasibadii furitaanka Maxjarkaa labaad ee wadaniga ah isaga oo xafladii furitaanka dib uga dhacay.

Hase yeeshee markii xukuumadda cusubi xukunka dalka ku guuleysatay iyo ogolaashihii maxjarka labaad ee Berbera oo ay si weyn ugu riyaaqeen bulshada Somaliland iyo ganacsatadii xoolaha, taas oo keentay in gebi ahaanba sixirka xooluhu kor u kaco, isla markaana dhaqdhaqaaqii suuqa xooluhu si weyn isu bedelo, tusaale ahaan qaar badan oo ka mid ah ganacsatada xoolaha oo aanu arimahan wax ka weydiinay ayaa waxa ay aad ula dhacsan yihiin maxjarkaa dhawaanta la furay,  iyaga oo iftiiminaya  inuu tartanku wanaagsan yahay kootadiina laga baxay.

Ganacsatadaa ayaa timaamay inay kootadu dhinacyo badan saamayn kaga yeelatay, balse aanay ku koobnayn   oo keliya  xoolaha iyo maxjarka oo qudha. Laakiin  ay ahayd mid gashay  ilaa Seyladdaha  xoolaha loo iibgeynayo. Sida  seyladda ugu weyn ee xoolaha la geyn jiray ee dalka Sucuudiga  oo ah wadanka ay u dhashay Al-jaabiri, tusaale ahaan  gaadiidka bada ee xoolaha la saaro ayaa ahaa mid laysu soo dhexgalay,  sababtoo ah maraakiibta xoolaha berigaa qaadi jirtay waxa iska lahaa oo siduu doono ka yeeli jiray ganacsade Al-jaabiri, kuwaas  inta badana uu  raran jiray, isagoo  ganacsatada kale ee Somaliland  ku kaantarooli, isla markaana ku amar ku taaglayn jiray  ganacsatada  oo ay suququl wax ugu qaadi jireen.

Xoolaha xiligan soo celintooda  iyo xaalada ay kala soo kulmeen kooxda Al-jaabiri madaxtooyada ayaa muujinay inay kusoo  hugoobeen  oo rabitaankoodii ku qasaaray. Sidaa awgeed ay qorshayaasha xoolaha lagu soo celinayaa yihiin kuwo siyaasadeed oo la xidhiidha isbdelka dhinaca tartanka xoolaha ee meesha laga saaray kootadii iyo maxjarkii lagu cunaqabateeyay ganacsatada xoolaha dhoofiya oo meesha ka baxay markii la furay maxjarka labaad ee  casriga ah.
Si kastaba ha ahaatee waxa la gudboon Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay la xisaabtanto kooxda A-jaabiri, isla markaana la helo siyaasad cad oo ku wajahan dhoofka Xoolaha, si aanay u iman caqabado wax yeeli kara suuqyada ganacsiga Xoolaha iyo sumcadoodaba.

Araweelonews Mobile Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *