Hargeysa(ANN)Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa shalay golaha wasiirrada u gudbisay mala awaalka  odoroska miisaaniyad sannadeedka 2011 ee xukuumadda dhexe oo lagu saleeyay dakhliga la filayo inuu kasoo xeroodo sannadkan ilaha dhaqaalaha dalka. Sidaana waxa shebekadda

wararka ee Araweelonews u tibaaxay warar kasoo baxay saraakiisha wasaaradda Maaliyadda Somaliland, kuwaas oo xusay in mala awaalka miisaaniyad sannadeedka 2011-ka maalintii shalay loo gudbiyay golaha wasiiradda si ay uga doodaan. Kadibna u gudbiyaan golaha wakiilada Somaliland.

 

Tibaaxaha ayaa intaa ku daray in miisaaniyadda ay soo wado Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo tahay mid ku labanlaabmay marka loo eego mala awaalka miisaaniyaddii xukuumaddii Madaxweynii hore ee Daahir Rayaale sannadkii hore 2010 hor geysay golaha wakiilada Somaliland, taas oo ahayd 310Bly oo s/l sh. Laakiin miisaaniyada xukuumaddii madaxweyne Rayaale ayaa xiligaa lagu tilmaamay indha sarcaad. Kadib markii lixdii bilood ee sannadkaa oo la filayay inay kala badh soo xerooto ku tala galka dakhligii miisaaniyad sannadeedkaa 2010, la waayay oo ay Xukuumadda cusub eek u guulaysatay doorashadii madaxtooyadda 26 Jun 2010. Bil ka dib markii ay xilka la waeergtay ay soo baxeen ku dhowaad $40bly oo dollar oo deyn lagu wareejiyay, iyadoo aanay shaqaalaha dawladu qaadan mushahar muddo Afar bilood ah, isla markaana ay gebi ahaanba faaruq tahay khasnadii dhexe ee dawladu.

Hase yeeshee Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo oo walaac ka muujiyay mushkiladahaa dhaqaalle ee ka hor yimi iyo deymahaa ayaa  muddo yar ku bixiyay deynta mushaharooyinka shaqaalaha dawladda, isla markaana bixiyay deyn xad dhaaf ah oo ay xukuumaddii hore madaxweyne Rayaale ku lahaayeen shirkado iyo ganacsato, iyadoo ay wasaaradda Maaliyada ee Xukuumadda cusub si toos ah u waajahday gebi ahaanba goobaha dakhliga ee kastamada dalka oo ah kuwa laga filayo inay kasoo xeroodaan dakhliga Miisaaniyaddu, iyadoo wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda cusub Eng. Maxamed Xaashi dib u habayn iyo isku bedel ku sameeyay shaqaalaha Kastamada iyo madaxda oo qaarkood siddeed sannadood ka baddan joogeen goobaha dakhliga, taas oo keentay inay qaarkood u maamulaan sida dukaamo ay leeyihiin.

Xukuumadda cusub ayaa dhowaan shaacisay inay shaqaalaha iyo ciidamadda qaranka u kordhinay mushaharooyinkii ay qaadan jireen oo loo labanlaabay100 %, (Boqolkiiba boqol), taas oo ay sheegeen inay ku jirto miisaaniyadda hadda loo gudbiyay golaha wasiiradda, waxayna tibaaxaha la xidhiidha arrimaha miisaaniyadda ay wasaaradda maaliyaddu gudbisay sheegayaan inay miisaaniyaddii sannadkii hore ee xukuumaddii Ryaale ka  badan tahay ku dhowaad 47.5% .boqolkiiba Afartan  iyo todoba boynti fayf.

Sidoo kale waxa mushahaarooyin loo qoray 1500 (kun iyo shan boqol) oo macalin, iyadoo in ka baddan 300 (saddex boqol) iyo   dheeraad ka mida hawl wadeenada caafimaadka iyagana lagu daray miisaaniyadda, kuwaas oo mushaharooyin loo qoray, isla markaana  waxa  shaqaale badan oo loo qoray wasaaradda diinta iyo Awqaafta, iyadoo ay jiraan qaar ka mid ah Hay’addaha dawliga ah ee uu madaxwaynuhu curiyay aasaaskooda, oo loo qoray shaqaale kala duwan, sida Hay’addaha maamul wanaaga iyo ilaalinta tayada agabka. iyada oo aanay jirin wax cashuuro ah oo xukuumadda cusubi ay kordhisay.

Xukuumadda cusub ma jiraan wax cashuuro ah oo ay kordhisay, balse Wasiirka maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi ayaa dhowaan sheegay inay filayaan inuu si weyn u kordhay dakhliga dawladda dhexe sidaa awgeed uu ku raja weynyahay in  Odoroska mala awaalka miisaaniyada eek u tala galka 2011, ay kasoo bixi doonaan goobaha dakhliga ee dalka  lacagta ay kordhiyeen mushaharooyinka shaqaalaha iyo ciidamadda qaranka, laakiin Eng. Xaashi wuxuu si cad u sheegay in ganacsatada iyo shirkadaha waaweyn sida  shirkadaha isgaadhsiinta iyo xawaaladdaha  dalka oo sida uu sheegay ay yihiin kuwa cashuurtu ku baaqato, wuxuuna ugu baaqay inay iska soo bixiyaan cashuuraha ku waajibay ka hor inta aanay xukuumaddu kala noqon liisamada ganacsi.

Miisaaniyadda ayaa la filayaa inay ku jiraan mashaariic wax qabad, iyadoo la saadaalinayo inay noqoto ku dhowaad s/lsh  600Bly, halka ay miisaaniyaddii ugu danbaysay 2010, ee xukuumaddii Madaxweyne Rayaale ka ahayd  s/l sh 310Bly, taas suurta galnimadeedu jawaab u noqon karo balanqaadkii mudadii ololaha doorashada ee xisbiga Kulmiye  Madaxweyne Siilaanyo sheegay inay dhaqaalaha wax baddan ka qabanayaan, isla markaana abuuri doonaan shaqooyin iyo mashaariic horumarineed.

Shebekadda Araweelonews ayaa hore shaacisay korodhka dakhliga ee kastamada dalka kuwa ugu mihiimsan, iyadoo is barbar dhig ku samaysay, isla markaana tusaale usoo qaadatay laba bilood oo keliya 15 goobood oo kastamadda dalka ah dakhligii kasoo baxay xiligii Xukuumaddii Rayaale iyo Xukuumadda Siilaanyo, taas oo iftiimisay faraqa u dhexeeya  Oct, 2009  iyo Oct, 2010, iyadoo xogaha iyo macluumaadka ku cad shaxdaasi si cad u muujiyeen in saddex meelood oo meel ay kordheen lacagaha kasoo baxay goobahaa kastmada mudadii Xukuumadda cusub, marka laga reebo saddex goobood oo hoos u dhac yari ku yimi intii kasoo baxday  Oct, 2009.

Waxayna natiijadda kasoo baxday shaxda ay gudbisay shebekadda araweelonews iftiimisay inay Xukuumadda cusbi soo gudbin doonto miisaaniyad ku labanlaabmay tii ugu danbaysay ee xukuumaddii ay xilka kala wareegtay ee Daahir Rayaale oo lagu dhaleecayn jiray musuqmaasuq iyo maamul xumo inay sida aboorka u feenatay mudadii sideeda sannadood ahayd ee ay xukunka dalka gacanta ku haysay.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *