Hargeysa(ANN)Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta Komishanka La-dagaallanka AIDS-ka Qaranka Somaliland (SOLNAC) Mr. Cabdikariin Axmed Xinnif, ayaa noqday masuulkii ugu horreeyey dawladeed ee si rasmi ah ugu dhawaaqa in aqoonsiga Somaliland ku xidhan yahay wadahadal lala galo

 

Soomaaliya, isagoo arrintaas ku tilmaamay mid lama huraan u ah Somaliland.
Qoraal uu saxaafadda talogalay Mr. Xinnif oo soo saaray shalay, ciwaanna uga dhigay ‘Aqoonsi-raadinta Somaliland halkee buu ka khaldan yahay?’ waxa uu ku sheegay in aqoonsiga Somaliland ku xidhan yahay wadahal lala yeesho dawladda taagta daran ee Soomaaliya, isagoo tusaale u soo qaatay Koonfurta Suudaan Eratariya iyo East Timor oo uu xusay inay beesha caalamka aqoonsi ka heleen, kadib markii ay wadahadal iyo heshiis la galeen dalalka ay ka madaxbannaanadeen ee Itoobiya, Indooniisiya iyo Suudaan.
Agaasime Cabdikariin Axmed Xinnif oo bishii September 2010 Madaxweyne Siilaanyo magacaabay xilkaas, waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in hoggaankii SNM ee dalka xoreeyey ay janhadihii USC ee uu Caydiid hoggaaminayey iyo SPM oo uu hoggaaminayey Axmed Cumar Jees ay heshiis kula galeen in marka Siyaad Barre xukunka laga tuuro Soomaaliya loo dhiso dawlad loo dhan yahay oo la isla oggolyahay, isagoo xusay in heshiiskaasi ahaa mid aan qarsoodi ahayn oo SMN oo dhan isla ogayd.
Qoraalka Agaasimaha oo nuqul ka mid ah uu Jamhuuriya khadka internetka ugu soo diray shalay waxa uu isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:
“Tan iyo 1991kii waxa Somaliland haystey mushkilada ah aqoonsi la’aan dawladnimo oo ay baadi goob ugu jirto ilaa manta, ilaa haddana ma jiro aqoonsi u soo muuqda oo cid ugu yaboohday ama xataa ballanqaadyo ay dugasanayso oo aan ka ahayn Soomaaliya wadahadla oo ka heshiiya iyo xataa cidda ugu soo dhow oo tidhaa Afrika ka bilaaba.
Aan ogaanno Somaliland haddaynu nahay waxaynnu doonaynaa ma aha in aynu aqoonsi u hello dhul la yidhaa Somaliland, taas cid waliba way inoo aqoonsan tahay, cadaw iyo nasteexba, balse waxaynu doonaynaa waa aqoonsi dawladnimo, aqoonsiga dawladnimo iyo aqoonsiga dhulkuna way kala duwan yihiin oo waa kala laba.
Tusaale ahaan; wufuudda faraha badan ee nooc walba leh ee inoo imanaysaa waxay imanayaan dhul la yidhaa Somaliland, laakiin uma soo qasdiyayaan dawlad la aqoonsan yahay oo la yidhaa dawladda Somaliland. Hadday intaa ka sii dhiirradaan waxay ku dhawaaqaan ‘’maamulka Somaliland,’’ taasna waxaynnu kala mid nahay maamullo kale oo Soomaaliya ka jira. Xataa waxa jira ummado kale oo ay sidaa ula dhaqmaan ama kelmadahan oo kale u isticmaalaan sida Falastiin iyo Taiwan oo kale.
Falastiin waxa loo aqoonsan yahay dal, Taiwan waxa loo aqoonsan yahay dal, haddana midkoodna looma aqoonsana dawlad madax bannaan oo gaar ah sideenna oo kale. cidna uma aqoonsana dawlad, waxa ay rabaanna waa in loo aqoonsado dawlad madaxbannaan.
Haddaba, su’aasha jawaabta u baahani waxay tahay:
1. Ma caalamka ayaa ina hortaagan oo aan doonayn in aynnu Soomaaliya kala go’no?
2. Ma Soomaaliyada aan nidaanku marna ka hanaqaadin ayaa ina hortaagan oo ina haysata?
3. Ma innaga ayaa meel khaldan ka raadinayna aqoonsiga dawladanimo?
4. Mise wax kalaa khaldan?
Labaatan sannadood inaynnu dawladnimo raadinaa oo aynnu weynaa waa wax aad u adag.
Aan isu eegno dawladaha ka go’ay dalalkii ay ka tirsanaayeen ee la aqoonsaday sida Ereteria, East Timor, Koonfurta Suudaan iyo kuwa la midka ah dariiqa ay u mareen ee ku guulaysteen inay noqdaan qaran madaxbannaan oo la aqoonso iyo dariiqa aynnu marnay welina ku taagannahay waxay ku kala duwan yihiin.
Sidoo kale aan eegno dariiqa ay mareen kuwa aqoonsi-raadiska ah sideenna ee aan weli la aqoonsan dariiqa ay mareen ee aanay weli aqoonsiga ku gaadhin.
1. Aan soo qaadanno jabhaddii Ereteriya, way ka awood badnayd jabhaddii Tigreyga ee Itoobiya qabsatay, jabhaddii Eriteriya ayaana caawisay tii Tigreyga markii ay Itoobiya qabsanaysey. Ciidan xooggan oo Ereteriyaan ah ayaa la socdey jabhaddii tigreyga ee Itoobiya qabsatay.
Intii aanay qabsan dalalka ay kala haystaan labada jabhadood waxay heshiis ku soo galeen in shacabka Ereteriya marka nidaamkii Mingiste laga guulaysto ee dalka laga saaro laga qaado afti lagu weydiiyo inay qaranka Itoobiya ka sii mid ahaanayaan iyo inay ka go’ayaan oo qaran madaxbannaan noqonayaan, taas ayaana la fuliyey, reer Ereteriyana ku doorteen inay noqdaan qaran goonni ah, ciddii ugu horraysey ee aqoonsatayna waxay noqotay dallkii ay gao’een ee Itoobiya.
Halka innaga jabahaddii SNM ee dalka qabsatay ay heshiiska kula gashay jabhadihii USC ee uu hoggaaminayey Caydiid iyo jabhaddii kalee SPM ee uu hoggaaminayey Axmed Cumar Jees in marka nidaankii Siyaad Barre laga guulaysto la dhiso dawlad loo dhan yahay oo laysla oggolyahay, waana halkaas meesha khaladkii u horreeyey ka dhacay. Qodobka lagu heshiiyey ee laysla ogaa muu ahayn in laba dal la kala noqdo.Waxaan odhan karaa wuxuu ahaa jaanis waqtigii uu ku habboonaa la lumiyey, waana wax SNM oo dhan isla oggolayd oo muu ahayn heshiis qarsoodi ah oo cid gaar ah gashay.
2. Jabhaddii SPLA ee la dagaallamaysey Suudaan iyaduna aakhirkii waxay ku gebegebaysey dagaalkii ay kula jirtey dalkaasi inay wadahadal ku dhammaystaan ciddii wax ka dhexeeyeen, kaas oo aakhirkii keenay in labadii dhinac ku heshiiyeen 1995kii lix sanno kaddib afti laga qaado dadka reer koonfureedka ay ku doortaan masiirkooda, taasoo aakhirkii dhacday 9/1/2011, waxaanay noqotay ciddii ugu horraysey ee ku dhawaaqda aqoonsigooda ciddii ay kala go’ayeen oo ah Suudaan inteedii kale.
3. East Timor markii ay wadahadal isula oggolaadeen dawladda Iindooniisiya ee ay ka tirsanayd inay kala go’aan ee iyadu aqoonsatay ayaa ka mid noqotay dawladaha caalamka ee la ictiraafsan yahay.
4. Taiwan ilaa waqtigan oo ay lixdan jirsanayso waxa hortaagani waa dalka Shiinaha oo aan oggolayn inay ka go’do, waxan uga jeedaa waa cidda wax ka dhexeeyaan.
aynnu wax ka baranno waddamada sideenna oo kale ahaa ee maanta dawladaha caalamka ee la aqoonsan yahay ka midka ah iyo jidka ay u mareen xasilinta wixii ay rabeen.
Khaladka 1960 dhacay wuxuu ahaa hoggaamiyaashii waqtigaas ayaa si khaldan u maamulay midowgii labada dal ee bilaa shuruudda ahaa ee aan u akayn laba dal oo midoobey, balse u ekaa dal mid ahaa oo xornimadii gobolladiisi kala yara dambeeyeen. Midnimadu sideedaba marka loo eego waxa laga yaabaa inaanay khalad ahayn, hoggaamiyayaashii waqtigaas ayaa ku guuldarraystay inay dadweynaha ku qanciyaan in heshiis lala galo dhinacii koonfureed ee wax laysku darsanayey, caaddifaddii shicibka ee Soomaliweyn ayaa iyagana hagtey oo ay ka ho riman kari waayeen, iyadoo taas ay dheerayd mushkiladda siyaasiyiinta ee haddii cid sida saxda ah u fekerto, ciddii ka soo horjeeddey ay si kale u dhigayso. Waxaan hubaa in haddii hoggaanka SNM ee Caydiid heshiiska la gelayey odhan lahaayeen hadhow waxaynu noqonaynaa laba dal oo kala goonni ah, ay qaar kale oo ka mid ah siyaasiyiintii SNM ku dhaleecayn lahaayeen oo odhan lahaayeen dalkaa la kala goynayaa, taasina waa ta keentay cabsida ah in aan la soo hadal-qaadin.
Maanta waxa xaqiiqo ah haddii ciddii siyaasiyiin dalka ka mid ah ee soo jeedisa in maamullada itaalka daran ee Soomaaliya aynu ka dhammaysanno oo kala heshiinno inaynnu kala go’no oo aan u arko sida saxda ah, qaar kaloo ku xumaynayaa odhanayaan hayaay wuxuu kaasi innagu wada Soomaaliya,.
Sidaa darteed, qaddiyaddani waa mid lala kala gabbanayo, mana jiro sidaan filayo siyaasi in uun garasho ku laaban tahay oo dafiraya in arrinta aqoosigeennu ku xidhan yahay in maamulka Soomaaliya lala hadlo oo lagu heshiiyo aynu laba dawladood kala ahaanno jaarnimo wanaagsanina haynaga dhexayso, laakiin waa arrin ciddii soo hadal qaaddaa ka baqayso in shacabka laga horkeeno.
Aynu ogaanno shacabku waa kii 1960kii laga horkeenay qoladii tidhi aynnu midnimada u kaadinno oo yeynaan ku degdegin, maantana waxa laga horkeenayaa cidda tidhaa aqoonsigu cidda uu innagaga xidhan yahay aynu kala hadallo.
Maxaa innaga hortaagan sida dawladaha kaleba aynu u leenahay na aqoonsada in aynu Soomaaliyana ku nidhaahno na aqoonsada?
Waxa dad badan had iyo goor yidhaahdaan cid lala hadlo marka la helo ayaannu la hadlaynaa, taasina khatarteeda ayay leedahay marka Soomaaliya nidaam awood lihi ka dhismo waxa suurtogal ah weliba ay u dhowdahay in cidba kula hadli weydo oo ku dhegaysan waydo. Waxa lala hadli karaa oo cid uun ku dhegaysan kartaa inta maamul aan awood lahayn oo haddana caalamku dhegaysanayaa jiro.
Hadalkaasi wuxuu dhinaca kale ka caddaynayaa in haddii la helo cid lala hadlaa diyaar loo yahay in lala hadlo, mana cadda waxa lagala hadlayaa, waa inuu waadix noqdaa shayga lagala hadlayaa wuxuu yahay, waana inuu noqdaa is aqoonsi iyo jaarnimo sidii laba dal kala ahaan jireen.
Waxaan ku soo gebagebaynayaa maqaalkan Soomaaliya ama ha taag darraato ama ha xoog weynaato waa cidda wax innaga dhexeeyaan ee aynu u baahannahay in lala hadlo oo lagu yidhaa faraha naga qaada oo weliba idinku ugu horreeya cid na aqoonsata, intaa kadib ayaa iyagana arrintooda wax lagala qaban karayaa.
Haddaba, kuma ayuu noqon doonaa siyaasiga ka badheedhi kara arrintaas ee odhanaya aynu ka wadhadallo sidii aynu u kala go’i lahayn ee laba dawladood oo jaar ah u noqon lahayn? Waxaan filayaa in taasi lama huraan noqonayso goor ay noqotaba, haddaan Rabbigeen ferej kale inoo furan isagaa awoodda lehe,” ayuu qoraalkiisa ku soo gunaanaday Agaasimaha maamulka iyo lacagta SOLNAC.

Araweelonews Mobile Somaliland Office

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *