Hargeysa(ANN) Wiil yar oo da’diisu tahay 9 sannadood, isla markaana ku nool magaaladda caasimadda Hargeysa, wuxuuna rumaysan yahay inuu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku daray liiska

 

 

gollihiisa wasiiradda  ee uu soo saaray 28 July, 2010. Kadib markii uu ku arkay xubin ka mid ah wasiiradda oo ay isku magac yihiin, kaas oo wasiirka Duulista Hawadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.
Wiilkaa yar oo magaciisu yahay Maxamuud Xaashi Cabdi oo degan Xaafadda Gol-jano ee magaaladda Hargeysa, waxa la kulamay weriye ka socday shebekadda wararka ee Araweelonews, wuxuuna weydiiyay sababta uu u tumaysan yahay inuu madaxweyne Siilaanyo u magcaabay xil wasiirnimo, wuuuxna yidhi, “Markii madaxweynaha Somaliland magcaabay soo saaray Liiska magacyada gollihiisa wasiiradda waxa ku jiray magacayga Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaana lay magcaabay wasaaradda Duulista hawadda. Mar danbe ayaan ka arkay TV-ga Nin kale oo la laayahay waa wasiirka Duulsita hawadda Somaliland oo madaarka ka shaqaynaya.” Ayuu yidhi Maxamuud yare.
“Waxaan jeclaa in Madaxweynuhu na kala saaro oo aniga Maxamuud Xaashi Cabdi Farroole weeye magacaygu, wasiirkana Maxamuud Xaashi Cabdi. Laakiin magacii isagaa ku xaadiray oo shaqaynaya waxaana ka arkaa Tv-ga ayuu raaciyay.
Mar la weydiiiyay wiilkaa yar inuu u hanbalyaynayo wasiirka ay isku magac yihiin ee uu rumaysnaa inuu isaga yahay iyo inuu ku haboon yahay shaqada , wuxuu yidhi, “hadda waan ku hanbalyaynayaa, waxaana ka arkaa isagoo  shaqaynaya oo madaaro furaya Tv-ga, wuuna ku haboonyahay shaqada.”
Maxamuud yare waa arday wax ka dhigta madarasadda Arishaad oo ka mid ah Madarasaddaha magaaladda Hargeysa, wuxuuna mar la weydiiyay waxa uu doonayo mustaqbalka inuu noqdo yidhi, “Waxaan Doonayaa inaan noqdo Wasiirka Duulista Hawadda jamhuuriyadda Somaliland.”   

Wiilka yar Hooyadii Amal ayaa sheegtay in markii lasoo saaray Liiska gollaha wasiiradda ee uu maqlay in qaar ka mid ah dadka deegaanka uu kasoo jeedo ee Sayla Barri ay cabasho ka muujiyeen dawladda uu ku doodi jiray in loo sheego dadkaa oo aanay dawladda ka cabinin, maadaama isaga loo magcaabay xilka wasiirnimo, wuxuuna Hooyadii ku wargelin jiray inay u sheegto dadka deegaankiisa inuu Madaxweynaha Somaliland isaga xilka wasaaradda Duulista hawadda u magcaabay. Sidaa awgeed ay is dejiyaan.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist  
Araweelonews Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *