Hargeysa(ANN)Mudaneyaasha watay mooshinkii abuuray khilaafka ee la doonayay in wax ka bedel lagu sameeyo xeer hoosaadka gollaha, balse uu  shirgudoonka laalay ayaa ka dalbaday Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay faraha kalla baxdo hawsha gollaha wakiiladda

Somaliland.
Mudanayaashaa oo sabtidii todobaadkan dacwad ka u gudbiyay maxamadda sarre ee dalka ayaa ku adkaystay inay sii wadayaan mawqifkooda ay ku doonayaan in wax ka bedel lagu sameeyo xeer hoosaadka gollaha. Sidaana waxay ku sheegeen shirjaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaaladda Hargeysa. Kooxda mudanayaasha ah ayaa  ka hor  intii aanay maanta gudo gelin shirkooda jaraa’id waxay ku gacmo saydheen ergo uu Xildhibaan X. Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo ka tirsan Golaha Guurtidu ugu tagay, isagoo ka dalbaday inay sugaan go’aanka ka soo baxa dacwada ay Maxkamadda sare u gudbiyeen. Hase yeeshee Mudaneyaashaasi waxay sheegeen inay doonayaan inay ummada sheegaan nuxurka dacwadooda.
Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabi oo ka mid ah kooxdaa ayaa difaacay mooshinka la laalay ee ay wateen oo uu ku sifeeyay mid lagu hagaajinayo xeer hoosaadkooda. Waxaanu cambaareeyay tallaabadii shirgudoonku ku xidhay fadhiyadii golaha. Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabi wuxuu xukuumadda Siilaanyo ugu baaqay inay faraha kala baxdo shaqada Golaha.
Xildhibaan Axmed Wayne oo isagunna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay hagaajinayeen Xeer hoosaadka Golaha wakiillada, hase yeeshee si khaldan loo turjuntay, isla markaana waxa uu shaaca ka qaaday in Shirguddoonku iyaga moodeen in loo socdo.
“Arrinta aannu doonaynay waxay ahayd hagaajinta Xeer-hoosaadka Golaha wakiillada, balse Shirguddoonka ayaa mooday in iyaga loo socdo, waxaannu leenahay arrintaasi sidaad moodeen maaha, haddii aannu doonayno in aannu idinka (Shirguddoonka), ridno toos ayaannu idin soo waajihi lahayn, balse waxaan leeyahay wakhtigii uu dhammaaday hadda oo Madaxwaynaha ayaa naga dalbaday in aannu arrinta isaga (Madaxwaynaha), ku sinno, hase ha ahaatee Madaxwaynaha waxaannu u sheegnay inuu faraha kala baxo Shaqada iyo Waaajibaadka Golaha wakiillada.” Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Weyne
Sidoo kale, waxa Xildhibaanadu ka dhawaajiyeen inay farogalin qaawan xukuumadu ku hayso dacwad ku saabsan sharciyada mooshinka ay wataan oo ay u gudbiyeen Maxkamada Distuuriga ah.
Waxa kale oo mudanayaashu sheegeen in ay mooshinka ay wadaan aanay jirin cid hakad galin kartaa. Hase yeeshee xukuumadu iyadu ay doonayso inay la timaado qorsheyaal ay isku hortaagayso, iyada oo adeegsanaysa awoodaha nidaamka dawliga ah.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *