Hargeysa(ANN)Maxkamadda gobolka Hargaysa ayaa maanta markii ugu horaysay gudo gashay dhagaysiga dacwad loo haysto lix nin oo Ruush ah oo ahaa shaqaalihii Diyaarad saanad Ciidan iyo agab kale u siday maamul goboleedka Puntland, taas oo

10-kii bishii December soo fadhiisatay madaarka Hargaysa, kadib markii ay sheegtay in ay shidaal yaraani soo waajahday.
Xeer-ilaaliyaha guud ee Somaliland Xasan Axmed Aadan ayaa ka hadlay dacwadda loo haysto diyaaradda iyo lixdaas nin oo uu ku eedeeyay in ay ku soo xadgudbeen hawada Somaliland, isla markaana ay saanad ciidan u sideen maamul goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya oo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay hore uga mamnuucay in la geliyo hubka.
Xeer-ilaaliyaha oo maanta u waramayay Laanta Af-soomaaliga ee VOA-da waxa uu yidhi “Dacwaddani dhinacyo badan ayay leedahay, marka ugu horaysa soo degitaankoodii hore waxay sheegeen in uu shidaalku ka go’ay oo ay xaaladda degdeg ah u soo degayaan, taas oo sharciga Caalamiga ah iyo ka Wasaaradda Duulista Somaliland-ba ogol yahay marka dhibaato ku timaado ama ay la kulanto in ay degi karto, laakiin taasi way beenawday, oo marka horeba waxaa u qorshaysnaa in ay Hargaysa fadhiistaan, kadibna ay u gudbaan Boosaaso. Markaa macna ahaan marka horeba way ku soo xadgudbayeen oo way ugu talo galeen in aanay isu sheegin qolada diyaaradaha, markaa haddii aanay farriintaa ka haynin qolada duulistu oo ay ku marmarsoodeen arrintan kale, dembi ayuu qorayaa xeerka nidaamka diyaaradaha.
Marka labaad waxay sideen saanad milateri oo xeerka caalamiga ah ee soo baxay sannadkii 1992-kii ee lambarkiisu ahaa 733, waxa uu sheegayaa in Soomaaliya oo dhan ay saaran tahay cunaqabatayn xagga hubka ah iyo qalabka ciidanka. Xeerar kale oo ka dambeeyay ayaa jira, mar waxay ka hadlayaan in la baadhi karo oo la qaban karo, waana taas arrinta keentay in Diyaaraddan la qabto iyo qalabkii saarnaa, Kastamada iyagana sidoo kale waxay mamnuucayaan badeecooyin noocaas oo kale ah oo sidaa loo xayiray in ay ka gudbaan Soomaaliya, markaa sidaas ayaanu u haysannaa.”
Xeer-ilaaliyaha guud oo la waydiiyay su’aal ahayd  tirada dadka Maxkamada la horgeeyay ee ay dacwada ku soo oogeen waxa uu ku jawaabay ‘Waxaanu maxkamadda horgaynay lix qof oo isugu jira duuliyayaashii iyo shaqaalihii diyaaradda iyo wixii watay oo dhan weeye, diyaaradda lafteedana dacwaddu way saamaynaysaa, marka hore dadka ayaa dacwadda lagu soo oogayaa, haddii iyaga dembi lagu helona diyaaradda dee laga hadliba maayo. Muhiimaddu waa dadka Diyaaradda keenay ee dhaqaajiyay diyaaradda ee keenay Madaarka Hargaysa. Haddii dembigaasi caddaado waxaa loo gudbayaa diyaaradda iyo qalabka saaran.”
Xeer Ilaaliye Axmed Xasan oo su’aal laga waydiiyay laba nin oo kale oo u dhashay dalka South Africa, kuwaas oo la  socday diyaaraddaa oo iyaga la siidaayay, waxa  uu yidhi,  “Labadaas nin waxay ahaayeen laba wariye oo madax bannaan, waxa ay diyaaradda ka soo raaceen Uganda, Diyaaraddana waxay alaabta ka keentay ilaa dalka South Africa ilaa iyo Lubnaan oo laga soo kala ururiray, xogtooda waanu haynaa labadaa nin waxay ka soo raaceen dhexda, waxay u socdeen shirkadda hawlahan iyo faro-gelintan dalka la soo gashay oo taageeraya dad kale oo colaado meesha ka hurinaya.” Xeer-ilaaliyahu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa kale oo uu sheegay oo uu ku ballan qaaday in lixdan nin ee eedaysanayaasha ahi ay heli doonaan garsoor xor ah oo ku dhisan caddaalad, isla markaana ay u ogolaan doonaan in ay is difaacaan oo ay qabsadaan garyaqaano madax bannaan oo difaaca.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *