Washington  (ANN) Booliska Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay Muwaadin Maraykan ah oo asalkiisa kasoo jeedo Soomaali, kadib markii la fashiliyay hawlgal qarax oo uu doonayay inuu ka fuliyo goob fagaare oo lagu qabanayay xaflad diineed. Wiilkaa oo magaciiisa lagu sheegay

 Maxamed Cusmaan Maxamuud, oo 19 jir ah, Waxaa lagu eedeeyay in uu isku dayay in uu isticmaalo hub waxyeelo wayn gaysta kadib markii booliisku dabin u dhigeen ee u dhiibeen Banbo aan qarxayn, waxaa lagu xiray magaalada Portland ee gobolka Oregan xalay fiidkii hore, isagoo markaas uun wacay telefoon gacanta, oo uu is-lahaa waxaa uu qarxin doonaa gaari bus yar ah nooca Van, oo ay ka buuxeen waxyaabo qarxa, iyadoo ka bilaabantay dacwad lagu oogayo wiilkaa lagu eedeeyay isku dayga falkaa dalka maraykanka.
Sida ay sheegayaan dokumentiyo maxkamadeed bartilmaameedka uu doonayay  waxaa uu ahaa xaflad furan oo la isugu iman lahaa si loo shido geedka ciidda masiixiga ee Christmas, taas oo lagu qabanayay Fagaaraha loo qorsheeyay oo ay  soo buuxin lahaayeen  kumanaan  qoysas ah. Hase ahaatee, bomb-ku run ahaantii waxaa uu ahaa mid aan shaqeynayn, oo ay u soo dhiibeen askar dhar cad ah oo xidhiidh la sameeyay wiilkaa.
Wararka la xidhiidha dacwada Wiilkaa dhalinyarada ah ayaa la sheegay in markii Maxamed uu isku deyay in uu Bomb-ka qarxiyo  ay ku soo boodeen oo ay xidheen ciidan ka tirsan police-ka federaalka ah.
Hawl galka lagu fashiliyay Bambada macmalka ah, waxaa uu soo bilawday bishii June.  kadib markii askari dhar cad ah oo ka tirsan FBI-du  uu ogaaday in Maxamed uu xidhiidh la leeyahay nin joogay dalka Pakistan oo la rumaysan yahay inuu ku lug lahaa hawlo argagixiso.
Iyadoo Askariga FBI-du markaa ka dib  xidhiidh la sameeyay  wiilkaa Maxamed, oo isagu sheegay in uu bartilmaadeed ka dhigtay xafladda geedka Christmas-ka ee lagu qabanayo fagaaraha Pioneer Courthouse ee magaalada Portland.
Maxamed Cusmaan Maxamuud waa Somali dhalashada Maraykanka qaatay, waxaana uu ku noolaan jiray magaalada Corvallis, oo dhinaca koonfureed kaga beegan Portland.
Inkasta oo saraakiisha amaanku sheegayaan inay hayaan cadaymo muujinaya inuu falkaa ku jiray Wiilka dhalinayarada ah ee soomaaliga ahi, balse waxa socda baadhitaan la xidhiidha arrimahaa.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *