Hargeysa(ANN)Maxkamadda Degmadda Hargeysa ayaa laga wareejiyay dacwada kiiska Ninka jarmalka ah Mr. Gunter oo ku Eedaysan inuu haween Somaliland ah ka duubay Muuqaalo filomo fool xun oo aan wafaaqsanayn shareecada Islaamka. Sidaana waxa

 shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay xogo ku dho dhow kiiska Ninkaa.
Dacwada Ninkaa ayaa laga wareejiyay Maxkamadda. Kadib markii muran sharci ahi dhexmaray maxkamadda rafcaanka iyo Maxkamadda Degmadda oo iyadu doonaysay inay Kiiskaa qaado dacwadiisa, iyadoo muranka sharci ee la xidhiidha arrintaasu ka dhashay cida awooda u leh inay kiiskaa qaado. Wararku waxay sheegayaan in ugu danbayntii dacwada kiiskaa lagu wareejiyay inay qaado maxkamadda gobolka hargeysa, taas oo la filayo inay maalmaha soo socda bilawdo dhegeysiga dacwadaa.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii dib looga celiyay kiiskaa maxkamadda degmada. Kadib markii kumanaan qof kusoo urureen barxada iyo agagaarka dhismaha maxkamadda, iyadoo ciidamada amaanku ka baqeen inay kusoo gabadaan dadkaa kooxo doonay inay kiiskaa uga faa’idaystaan si kale.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *