Muqdisho(ANN)Baarlamaanka dawlada taagta daran ee Somalia ayaa maanta ansixiyay dawlada uu dhowaan soo dhisay raysal wasaaraha cusub oo muran iyo sawaxan ka taagnaa todobaadyadii u danbeeyay. Guddoomiyaha Baarlamaanka oo shirka furay

ayaa sheegay inay soo xaadireen 343 xildhibaan oo ka mid ah 550-ka  xubnood ee Baarlamaanku ka kooban yahay.
Guddoomiyuha Sh. Shariif Xasan  Sh. Aaadan   ayaa  sheegay inay jiraan labo fikradood oo mudanayaashu kala aaminsan yihiin in codka loo qaado,  sidaa darteed marka hore loo baahan yahay  in loo codeeyo qaabka codka kalsoonida loo qaadayo. Waxaana aqlabiyada  heshay in codka loo qaado gacan-taag.
Markii codka kalsoonida dowladda loo qaaday waxaa oggolaaday 251 xubnood oo baarlamaanka ka tirsan. Waxaana  diiday 93 xubnood, labo xubnoodna way ka aamuseen. Guddoomiyaha Baarlamaanka oo codaynta  kadib hadlay ayaa  sheegay in xukuumadda cusub ay ansax tahay sidaana lagu ogolaaday. Iyadoo shirka Baarlamaanka ay fadhiyeen  qaar badan oo ka mid ah wasiirrada codka kalsoonida loo qaadayay,  balse  ra’iisal wasaaruha cusub Mr. Farmaajo ayaan isagu goobjoog ka  ahayn fadhigaa.
Kulanka Baarlamaanka ayaa qabsoomay maanta xili ay dagaallo ka dhacayeen degmada Wardhiigley oo aan ka fogeyn halka shirka Baarlamaanku ka dhacay iyo goobo kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho. Dagaallada oo bilaabmay.   kadib markii kooxda xarakada Al -Shabaab ay soo weerareen degaanno ay ku sugnaayeen xoogagga dowladda iyo ciidanka AMISOM ee Midowga Afrika, balse ilaa hada  lama garanayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalada.

Dhinaca waxa jira mudanayaal ku doodaya in xiligii codaynta ay dhacday khiyaamo iyo wax isdaba marin. sidaa awgeed aanay ansax ahayn codayntu.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *