Burco(ANN) Wiil  dhalinyaro ah ayaa saaka madkiisa laga helay meel u dhaw saylada Xoolaha ee Magaalada Burco, kaas oo sida wararka aanu ka helay qaar ka mid ah eheladiisu sheegeen in qoorta laga jaray. Marxuumka  la dilay

 

 ee  lagu fuliyay dilka foosha xun ayaa lagu  magacaabi jiray Mustafe Cilmi Jaa’id, oo dadiisa lagu qiyaasay 19-20 jir, isla markaana dilkaa ayaan la aqoonsan cidii ka danbaysay ilaa hada.  Sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha dilka marxuumkaa  ayaa ka mid ahaa aradayda wax ka barata Dugsiga Sare ee Candlelight Burco.
Maydka Saaka laga  helay  seylada xoolaha ee Burco ee  ardayga ayaa sida ay sheegeen dadka arkay maydka marxuumka inuu  u muuqday mid la gawracay,  taas oo aragaxgax badan galisay dadweynaha Magaalada Burco.
Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco oo la keenay maydka ardayga saaka  ayaa si weyn dadku ugu soo urureen,  kuwaas  oo ka argagaxay falka layaabka leh ee habeenkii xalay ahaa ka dhacay Magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco.
Saraakiisha ciidamada Booliska ayaa sheegay inay socdaan baadhitaano ku saabsan cidii ka danbaysay dilka marxuumkaa. Sidaa awgeed  aanay  ka hordhacayn ilaa inta ay soo saarayaan natiijada cidii falkaa ka danbaysay.
Maahaa markii ugu horaysay ee Maagalada Burco lagu dilo qof rayid ah,  taas oo la garanwaayay cid dishay,  balse waxaa dhawaanahanba isa soo taraayay Dilal Qorshaysan oo loo gaystay dad rayidka ah, kuwaas  oo ciidamada Boolisku ay shegeen inay wadaan baadhitaanada falalkaa, balse falkan ayaa u muuqda mid ka duwan qaabkii dilalka iyo shirqoolada hore uga dhici jiray ka duwan.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *