Hargeysa (ANN) Qoraal kasoo baxay xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa lagu sheegay in heshiis laga gaadhay Dilka Taliyihii Ciidanka Asluubta ee gobolka Sool marxuum Cabdi Ciise Nuur oo lagu fuliyay dil qorshaysan 31 August 2010. Gudaha

 magaalada Laascaanood.
 Qoraalkaa oo uu saxaafada maanta u qaybiyay  xoghayaha   Wasiirka  Arrimaha Gudaha   Maxamed Cismaan Dube, waxaa lagu sheegay inay dilka sarkaalkaa ka heshiiyeen laba beelood, isla markaana qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiirka ayaa u qornaa sidan;-
“ Waxa heshiis kama dambeys ah laga gaadhay khilaaf u dhexeeyey beelaha Fiqi- Shini iyo Xasan Ugaas kaasoo ku saabsanaa dilkii Taliyihii Ciidanka Asluubta Gobolka Sool, marxuum Cabdi Ciise Nuur oo lagu dilay magaalada Laascaanood taariikhdu markay ahayd 31 August 2010.

Iyadoo  waajibaadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL u xil saaran tahay ay ka mid yihiin sugidda amniga iyo qaboojinta dhibaatooyinka ka dhex dhaca beelaha reer Somaliland, ayaa isla markiiba waxay Wasaaradda Arrimaha Guduhu xil weyn iska saartay siddii xal nabadeed loogu dhameyn lahaa.

labada beelood ee midna marxuumku ka dhintay midna gacantooda ku dhintay aanay colaad iyo dhibaato kale uga sii dhex aloosmi lahayn.

Haddaba 28-kii October 2010, ayaa labada beelood ee walaalaha ah waxay isku soo hor fadhiisteen shir waan- waan nabdeed ah oo ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool si looga wada hadlo dilkii marxuumka kor ku xusan, waxaana nasiib wanaag ah in shirkaasi ku dhamaaday guul iyo is af-garad dhex maray labada beelood ee walaalaha ah.

Labada beelood ee Fiqi Shini iyo Xassan Ugaas waxay aad ugu mahadsan yihiin dulqaadka ay muujiyeen intii lagu guda jiray xalinta arrintaas, waxa kale oo mahad iyo bogaadin mudan cid kasta oo ka qayb qaadatay xalinta iyo daminta dhacdadaas, sida odayaasha labada beelood, Ugaasyada, Waxgaradka, Xildhibaanada,  Culimo –aw- diinka iyo cid kasta oo ka hawl gashay in is af-garad lagu dhameeyo dhacdadaas

Waxaana guul weyn ah siddii dhaqanka Somaliland ahaan jiray in labada beelood ee walaalaha ah wixii kala gaadhay uu ku dhamaaday is af garad iyo wanaag dhex maray labadabeelood.” Ayaa lagu yidhi geba-gebadii qoraalka kasoo baxay  xafiiska wasiirka arrimaha gudaha.
Hase yeeshee qoraalka noocan ah ayaa noqonaya kii u horeeyay ee noociisa ah inta la xusuusan yahay ee kasoo baxa xafiis masuul qaran, kaas oo lagu xardhay in sarkaalka la dilay oo ahaa Taliyihii Ciidanka Asluubta Somaliland ee gobolka Sool ay dilkiisa ka heshiiyeen laba beelood, iyadoo la ogsoon yahay inuu sarkaalkaa Marxuum Cabdi Ciise Nuur oo lagu dilay magaalada Laascaanood 31 August 2010. Kadib markii lala beegsaday tacshiirad rasaas ah uu ahaa masuul qaran oo huwan sharafta iyo karaamada qaranka, maadaama uu ahaa masuul qaran, isla markaana aanu ahayn qof shicib ah. Sidaa awgeed ujeedo kasta oo laga lahaa dilkaa ayaa noqonay fal lid ku ah qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, sidaa darteed  waxa layaab noqotay sida ay wasaaradu ugu dhiiratay inay aqbasho heshiis laba beelood oo sheegay inay ka heshiiyeen dilka sarkaalka, iyadoo sarkaalku ahaa mid ka dhintay qaranka, isla markaana ay waajib ahayd inay wasaaradda arrimaha guduha  iyo Ha’yadaha ku shaqo lihi sharciga horkeenaan kuwii fuliyay falkaa. Sidaa awgeed qorshaha noocan ah ee masuuliyiinta qaranka shirqoolo  lagu dilaa waxay horseedi kartaa dhibaato burburisa milgaha, sharafta iyo karaamada masuuliyiinta qaranka oo dhaawac u geysata nidaamka dawliga ah.
Si kastaba ha ahaatee qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa u muuqda mid fadeexad iyo meel ka dhac ku ah nidaamka dawliga ah iyo qaranimada somaliland

Dilka Taliyaha Asluubta Sool ee 31 August 2010.  ayaa ahaa   kii Lixaad ee loo  fuliyo sidan oo kale, iyadoo saraakiil ka tirsan masuuliyiinta gobolka falal  dilal qorshaysan loogu fuliyay tan iyo wixii ka danbeeyay dilka taliyihii ciidanka qaranka ee qaybta 12aad Col, Yuusuf Nuur oo November 2009,  oo isaga lagu  fuliyay qarax kuwa sheeda laga hago ah, kaas oo dilkiisa loo qabtay Taliyihii sirdoonka gobolka ee Maamulkii Rayaale iyo shaqsiyaad kale oo dhowaan maxkamadi ku riday xukun.
   
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *