Hargeysa (ANN) Danjiraha Somaliland  u  fadhiya Dalka  Kenya Ambassador.  Maxamed Nuur Axmed(Indha-Buur), oo booqasho ku yimi dalka ayaa sheegay inuu  hayo caddamo  ku saabsan inuu laba guri oo waaweyn Wasiirkii hore ee Maaliyadu Cawil Cali Ducaale  ka dhistay

magaalada Nairobi ee xarunta  Dalka Kenya.
Ambassador Indha-buur wuxuu sidaa  ka  sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa  oo uu degan yahay, isla markaana waxa kaloo uu uu shirkaasi jaraa’id kaga warbixiyay aragtida beesha caalamka ee qadiyada Somaliland, wixii ka danbeeyay doorashadii madaxtooyada Somaliland ee 26 jun 2010.

Wuxuuna  shacbiga Somaliland ku bogaadiyay sidii wanaagsanayd ee ay u galeen doorashadii Madaxtooyada, isagoo  yidhi,  “Waxaan dadwaynaha reer Somaliland uga mahad naqayaa doorashaddii wanaagsanayd ee u qabsoontay oo Jamhuuriyadda Somaliland iyo dadwaynaheedaba aad moodo inay iminka beesha caalamka u soo jeedisay oo aad moodo in hadda loo heelan yahay. saddexdii bilood ee hadda ay dawladdu xilka haysayna waxyaabo badan ayay beesha caalamku muujiyeen oo taageero buuxda ah oo hadda Somaliland loo fidinayo, taa aniga ayaa makhraati ka ah oo Nayroobi jooga, mashruucyo badan oo ay dawladdu soo bandhigtayna waxaad moodaa in hadda deeq bixiyayaashu toos u hirgelinayaan.”
“Dadkii hore Somaliland wel-welka uga qabayna waxaad moodaa in wel-welkii hadda ka dhamaaday oo ay si buuxda Somaliland u taageerayaan. run ahaantii illaa hadda waxaan odhan karaa guul fiican ayaa la gaadhay. markaa hadda waxaa muhiim ah mar haddii doorashadii si fiican u dhamaatay, beeshii caalamkuna inoo soo jeedsatay waa in dadka Somalilandna ay muujiyaan isku duubni oo ay noqdaan dad qadiyadda Somaliland meel uga soo wada jeeda,”ayuu yidhi Ambassador  Indho Buur.
Sidoo kale wuxuu Mr. Maxamed Nuur Wakiilka Somaliland ee Kenya soo dhaweeyay dedaalada ictiraaf raadinta madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka Arrimaha Debeda, isagoo arrintaa  ka hadlayayna  wuxuu  yidhi,  “Madaxwaynaha Somaliland iyo Wasiirka arrimaha debedda aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa, muddadii yarayd ee saddexda bilood ahayd ee ay xilka hayeen waxa ay qaadeen tallaabooyin aad iyo aad u muhiim ah, taasina faahfaahin uma baahna, sidii dalka Jabuuti iyo Itoobiya loogu soo dhaweeyay waad arkayseen, Ingiriiska iyo xagaana hadda waxa ka socda warbaahinta waad kala socotaan. markaa hadda waa bilawgii, wadaduna way dheertahay, taana waxaa lagu gaadhi karaa iyada oo ay ummadu isku duuban tahay. labada xisbi mucaarid ee kalena waxaan kula talinayaa in ay xukuumadda la shaqeeyaan waayo dalkani waa dal yar oo hadda soo koraya, ilaa iyo maantana tallaabo fiican qaaday, hadda qadiyada idin hortaalaa waa aqoonsi raadinta Somaliland. taasna saddexda xisbi oo wada socda ayaa lagu heli karaa, waa in aan la is jiidjiidan, waa in la isku duubnaadaa, waa in nabadgelyada la dhowraa, taasi waa muhiim. waa in lagu mashquulaa oo kaliya sidii dalka Ictiraaf loogu raadin lahaa, dadwaynaha Somaliland iyaga ayaa awalba nabadda ilaalin jiray, haddana waa inay aad iyo aad u sugaan, waayo cadawgu wuu badan yahay, way la socdaan tallaabada horumarka ah ee aad qaadeen, ictiraafkii  inuu soo dhow yahay way garanayaan, sida kaliya ee ay taa cillad u gelin karaan waa iyaga oo dhexdiin wax ka abuura, cadawguna ma hurdo ee wuu soo jeedaa, sida aad u dedaalaysaan ayay iyaguna ugu dedaalayaan dibindaabyadiina, markaa ummadu waa inay noqoto ummad meel ka soo wada jeedda.”
Mar la weydiiyay Ambassadorka dedaaladii Baarlamaanka Kenya ee la xidhiidhay aqoonsiga Somaliland iyo halka uu ku danbeeyay waxa uu  yidhi,  “Baarlamaanka Kiinaya marka laga hadlayo qadiyadda Somaliland waxaa hormuud ka ah Guddoomiye ku xigeenka Faarax Macalin, Soomaalidu 11 xildhibaan ayay ku leeyhiin Kenya dhamaantoodna way taageersan yihiin Somalilnad, waxaa taa kuu caddaynaysa maalintii aanu samaynay xafladdii ugu danbaysay ee xil wareejinta koob iyo tabankuba way yimaadeen oo way joogeen, dhamaantoodna way ka hadleen xafladaas oo idaacadaha waad ka maqlayseen.
Faarax Macalinna runtii waa nin geesiya oo caddaysta mawqifkiisa iyo  qadiyaddiisa Somaliland-na  qadiyaddeeda  aad ugu firfircoon,  waana guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka, Mooshinkiina waa u diyaar oo anigu waan arkay warbixintii uu ka soo gudbiyay halkan, laakiin waad ogtihiin oo Kenya waxaa soo dhex galay Distoorkii cusbaa, waa tii la ansixiyay waxaadna moodaa in dawladda iyo Jamhuuriyadda Kenya oo dhami mashquul ku tahay, markaa taas uun baa hakisay ee mooshinku wuu soo socdaa waxaanan filayaa in si fiican looga doodi doono. Soomaalida oo qudha maaha dadka taageersan Somaliland  ee kuwo fura badani waa kuwii halkan noo soo raacay maalintii madaxwaynaha la dhaarinayay oo laga dhaadhiciyay qadiyada Somaliland, kuwo ka horeeyay oo halkan yimina way jiraan, Raysal wasaaruhuna Somaliland wuu yaqaanaa oo waa kii halkan yimi, xildhibaanada Baarlamaankana kala badh isaga ayaa leh oo waxay noqonaysaa arrin sahlan, Faarax Macalinna waa xisbiga Raysal Wasaaraha, kolayba go’aan fiican ayaa ka soo bixi doona dhawaan.”
Wakiilka oo la waydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya in wasiirkii hore ee maaliyadda Xuseen Cali Ducaale uu guryo ka dhistay magaalada Nayroobi waxa uu ku jawaabay
“Arrintaa  anigu ilaha laga helay maan ahayn, Cawil taariikhdiisa ayaan idiinka sheekayn doonaa, intaan ogahay Cawil Nayroobi taariikh fiican nagagamuu iman haddaanu jaaliyadda nahay.  Horta Cawil isaga oo Safiir ah ayuu noo yimi, muddadii uu safiirka ahaana runtii nin Nayroobi laga jecel yahay muu ahayn. waayo wuxuu ahaa nin ummad badan dhibaato u gaystay oo dawladdii Siyaad Barre u gudbiyay, waxaa ragaas ka mid ah oo aan idiinku caddayn karaa oo hadda nool Nin Musbaar la yidhaahdo oo reer Burco ah oo uu doonayay inuu u gudbiyo Xamar, oo jaaliyaddu saq dhexe xili habeen ah inta aanu u gelinay kurdad iyo googarad, gambana aanu u xidhnay aanu Uganda u tallaabinay, taasi waa taariikh ka mid ah taariikhaha Cawil.” Ayuu yidhi  Maxamed Nuur Indho-buur.
Wuxuuna isagoo siiwata hadalkiisa iyo sharaxaada uu ka bixinayo  arrintaa yidhi,  “Waxa kale oo jira nin Seedigii ah oo Yuusuf Dirir la yidhaahdo inuu doonay  inuu u gudbiyo Maxamed Siyaad Barre oo aanu u soo gudbinay Mooyaale Itoobiya. Maalin dhawayd waxaan maqlayay isaga oo ka hadlaya Telefiishanka oo leh waxaan u shaqayn jiray Hay’ado, anigu sidaan ogahay Cawil oo Nayroobi ka shaqaynaya weligay maan arag, jaaliyadduna may arag, cid taa sheegi karaysaana ma jirto aniguba reer Nayroobi ayaan ahaye, Hay’addaha markaad u shaqaynayso warqad ayay ku siinayaan caddayn ah ee ha soo bandhigo.
Cawil 1977-kii markii dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya laga soo noqday ilaa hadda Nayroobi ayuu joogi jiray, inta badanna Jaaliyadda ayaa taageeri jirtay, waagii danbe waxaanu maqalnay Cawil waxa uu wasiir ka noqday Somaliland. sannad iyo badh markii uu Somaliland ka shaqaynayay waxaanu maqalnay Cawilkii guryaha kirada ah ku jiri jiray waxa uu iibsaday laba guri oo qiimihiisa ilaa hal milyan oo doolar lagu sheegi karo midkiiba , markaa sida uu u hadlo iyo sida ay waxyihiin ayaad moodaa in ay kala duwan yihiin . Guri aad Hargaysa ku leedahay oo Hoteelka Maansoor oo kale leeg ma odhan kartid Hargaysa guri kuma lihi, ninka Maansoor lihi ma odhan karo Hargaysa guri kuma lihi. Cawil laba guri ayuu iibsaday, waxaanu iibsaday intii uu wasiirka maaliyadda ahaa, taas waan caddayn karaa wax la qarin karana maaha, wax aan uga gonleeyahayna ma jiraan, haddii aad Nayroobi tagtid xataa riyaha ayaa ku tusaya guryaha Cawil.”
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *