Gudi Ayaa Loo Saaray Arrintii Dilka Gudoomiyaha Maxkamadda, Dagaalka Maantana………..Badhasaab ku xigeenka Sool
   Buuhoodle (ANN) Ciidanka qaranka Somaliland eee k u sugan jiida hore ee Bali hadhac oo ka tirsan  deegaanka Widhwidh ayaa gacanta ku dhigay maxaabiis ka tirsan malaeyshiyo Beeleed isku urursanayay halkaa mudooyinkii u danbeeyay, kuwaas oo weerar kusoo qaaday xalay saacadihii danbe fadhiisin ay ku sugnaayeen cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland.

Dagaalka oo ahaa sida wararka aanu ka helay jiida hore sheegayaan mid malayshiyada la baxday SSC si gaadma ah ugu soo qaaday ciidanka ayaa socday ilaa waqti danbe oo maalinimadii ah, waxaana dadka deegaanku u xaqiijiyeen shebekada wararka ee Araweelonews  in la maqlayay maanta gelinkii hore dhawaaqa noocyada hubka waaweyn.
Hase yeeshee Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Saleebaan Warsame  Guuleed ayaa Idaacada BBc-da laanteeda Afka soomaaliga u xaqiijiyay in hal askari ka dhintay Ciidanka qaranka, isla markaana ay gacanta ku dhigeen maxaabiis ka tirsanyd maleyshiyada., balse  waxa jira warar sheegaya  in dhinaca maleyshiyada uu gaadhay khasaare weyni. Laakiin ma jiraan warar madaxbanaan oo si cad u sheegaya inta uu leegyahay khasaaruhu.
Sidoo kale warar laga soo xigtay saraakisha ciidanka qaranka Somaliland ee gobolka Sool ku sugan ayaa xaqaiijiyay  in dimasho iyo dhaawacba jiro labada dhinacba,  balse saraakiishu ma sheegin in dhinaca Somaliland Sarkaal ka tirsan uu ku dhintay dagaalka saaka dhacay sida warar saaka subaxnimadii hore soo baxay. Wararkii u danbeeyay ee laga helay aaga dagaalka ayaa sheegay in maanta xili danbe uu joogsaday, ka dib markii laga awood roonaaday maleyshiyada halkaa isku urursatay ee weerarka gaadmada ah kusoo qaaday ciidanka qaranka
wararku waxay intaa ku darayaan in Ciidanka qaranka Somaliland ku sugan gobolka Sool dhamaantood la galiyay heeggan kii ugu sareeyay, waxaana loo diyaariyay inay si  foojigan ugu diyaar garoobaan weerar kasta oo la ma filaana oo kaga  iman  kara kooxda Maleyshiya SSC oo baryahan isku diyaarinaysay inay weerar gaadmo ah ku soo qaado ciidanka qaranka Somaliland.

Dhinaca kale Badhsaab ku xigeenka gobolka Sool Maxamuud Cabdi Dhinbiil Daad ayaa ka hadalay dagaalka xalay ka dhacay deegaanka Bali Hadhac ee Widhwidh iyo shirqoolka  xalay lagu dilay gudoomiyihii maxkamadda rafcaanka ee gobolka Sool Saleebaan Jaamac Hayaan (Saleebaan Dheer), wuxuuna isagoo ka hadlaya dilka xalay ka dhacay xarunta gobolka Sool ee Laascaanood  sheegay in aanay ahayn wax ku cusub Somaliland iyo caalamkaba, isagoo xusay in aanay arrimaha noocan ahi waxba ka bedelayn nabadgelyada guud ee gobolka.
Mar la weydiiya Badhasaab ku xigeenka inay jiraan dad loo qabtay dilka gudoomiyihii maxkamadda rafcaanka Sool, waxa uu yidhi,, “waxa loo qabtay dad badan, mana rabo inaan ka hor dhoco, waxa la saaray gudi ay ku jiraan saddexda Taliye saldhig ee xaafadaha magaalada iyo Taliyaha Bilayska ee baadhista Denbiyada oo iyaga laga sugayo jawaab.”
  
.

Sidoo kale Badhasaab ku xigeenka gobolka Sool , waxa uu ka hadlay dagaalka saaka ka dhacay degmadda Widhidh,  wuxuna sheegay in dagaalkaasi  sida uu u dhacay  aanu wax war ah oo fiican ka hayn, isagoo carabka ku adkeeyay  in maanta dagaal iyo xabad laga daalay kuwa dagaalka soo qaadayna  ku tilmaamay kuwo aan waxba kala garanayn oo iyadoo maanta lagu jiro 2010kii Xabadii soo bilaabmatay 88kii ee laga soo gudbay ay maanta socoto anigu waxaan u arkaa nasiib daro aad u weyn cidkasta oo ka shaqaysana waxaan ugu baaqayaa dhiig daata waxaa ka roon wada hadal isu imaatin is qancin . laakiin  anigu cidii kale ee doonaysa in ay dhiig daadiso anuigu waxaan u arkaa in ay mashruuc kale wadato,  umana arko cid wax dilaysa in ay dan somaliyeed mid somaliland midna in ay wado,  uma arko waxaana  leeyahay arrintaa  waa in laga fiirsada. Ayuu yidhi ku xigeenka Badhasaabka gobolka sool

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *