Laascaanood (ANN)Alla ha u naxariistee  galabta fiidadawgii markii laga soo baxay salaada makhrib ayaa  lagu dilay xarunta gobolka Sool ee Laascaanood gudoomiyihii maxkamadda rafcaanka ee heer gobol marxuum SaleebaanJaamac Dheere. Kadib markii rasaas lala beegsaday isagoo marayay xiligaa dhinaca xaafada koonfurta magaalada oo uu degan yahay. Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay dad ay ehel ahaayeen marxuumka oo ku sugan Laascaanood.

 
 
Ilaa hadda lama garanayo sababaha loo dilay marxuum Saleebaan Dheere oo ahaa gudoomiyhii maxkamadda racfaanka gobolka Sool, balse warar soo baxay ayaa sheegaya in loo malaynayo in hal qof la beegsaday tacshiirada uu marxuumku u dhintay.
Ma jirto cid ilaa hada loo qabtay dilkaa . laakiin waxa la sheegay sida laga soo xigtay inay saraakiisha ciidanka amaanka in ay ciidamadu  wadaan baadhitaan, inkasta oo ay  wararka qaar sheegayaan in dadkii dilay marxuumka ay  durbadiiba baxsadeen.
 
Si kastaba ha ahaatee dilka gudoomiyaha ayaan ilaa hada lahayn cidii ka danbaysay iyo ujeedada laga lahaa, balse waxa la filayaa inay hawlgalka ciidanka amaanku kasoo baxaan warar  la xidhiidha dilalkaa oo u muuqday mid  qorshaysnaa, iyadoo ay mudooyinkii u danbeeyay xaalada gobolka sool ee magaalada Laascaanood deganayd, wixii ka danbeeyay horaantii bilihii aynu soo dhaafnay ee qaraxyada iyo toogashooyinka isdaba jooga ahaa ka dhaceen, kuwaas oo qaar ka mid ah dadkii loo qabqabtay maxkamd la hor geeyay, kuwaas oo qaarkood lagu riday xukumo kala duwan.halka kuwo kalena la sii daayay. Kadib markii waxba lagu waayay.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *