Hargeysa (ANN) Wasiiradda Hawlaha guud iyo Arrimaha gudaha ayaa ku khasbay Taliyaha Bilayska Somaliland Sanqadhi Dubad inuu beeniyo gaadiid uu hore u sheegay in lala baxsady, ama la leexsaday. Kadib markii uu Sabtidii toddobaadkan warbaahinta siiyey Taliye Saqadhi,war uu  ku shaaciyay  inay gacanta ku dhigeen in ku dhaw labaatan baabuur oo la rabay in sifo sharci-darro ah lagu leexsado, ama lala baxsado.

Hase ahaatee, shir jaraa’id oo ay maanta xarunta Wasaaradda hawlaha guud ku qabteen labada Wasiir ee Arrimaha gudaha, Hawlaha guud iyo Taliyaha Boolisku, ayay ku sheegeen inaanay jirin gaadiid dawladdu leedahay oo lala baxsaday ama la leexsaday, balse waxa ay qireen inay  jiraan gaadiid dawladdu leedahay oo geerashyada yaalla oo dadkii geerashyada lahaa diideen inay bixiyaan, iyaga oo ku dooday inay lacag ku leeyihiin.
“Saaka Annaga ayaa isugu kiin yeedhnay, waxaannu doonaynaa in aannu warbixin idinka siinno gaadiidka dawlada wakhtigan lagu guddo jiro kala guurka oo runtii si aanaan anagu filayn u galay warbaahinta, ma  jiraan gaadiid la boobay, waxaanan markii aanu isu nimid aniga (Wasiirka Hawlaha Guud), wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaha ciidanka booliska aanu isla garanay in ay si khaldan u gashay warbaahinta, sida ay u gashayna ay tahay iyada oo ay dhinac waliba geestooda ka wadeen hawshooda.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud ee xukuumadda xilka wareejinaysa Siciid Sulub.
Waxaanu Siciid Sulub oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Wasaaradaha hawlaha guud iyo arrimaha guduhu dhinacooda ayay hawsha kaga jireen, booliskuna waxa ay soo heleen, gaadiidka yaala geerashyada ee ay dawladu leedahay, waanay soo tirokoobeen. Gaadiidkaasna markii ay wasaarada hawlaha guud ku talo gashay in la soo uruuriyo waxa naga hortimid arrin ah in hay’daha dawlada mid waliba dhinaceeda ka hawl gasho, waxaanay dadkii shicibka ahaa ee iska lahaa geerashyadu naga diideen in ay nagu wareejiyaan…”
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cabdillaahi-Cirro), waxa uu dhiniciisa shirkaasi jaraa’id ka sheegay inaan hanti dawladdu leedahay oo lala baxsaday,  ama la lunsaday jirin, isagoo  yidhi; “Horta haddii ay gaadiid tahay iyo haddii ay hanti kale tahay-ba masuuliyiintayada xilka haysay ee u diyaarka ah inay wareejiyaan ayaa laga rabaa ilaa iyo maalinta xilka la wareejinayo hantida qaranka annaga ayaa ka masuul ah, haddii ay tahay gaadiid iyo haddii ay wax kale tahay-ba, sidii uu Wasiirka hawlaha guud u sheegay Wasaarad waliba waxay xidhiidh la leedahay geerash.”
“Maalinta ay xil wareejintu dhacayso oo aan inagaba dheerayn ayaa laga rabaa in cida xilka kala wareegaysa ay ku wareejiso wixii ay hayaan, maalintaa wixii ka dambeeya ayaa la is xag-xagan doonaa oo la odhan karaa, wasaaradaas waxa ku maqan waxaas iyo waxaas, wasaarada hawlaha guud way og tahay wasaarad waliba inta gaadiid ay leeyihiin. Aniga Wasaaradayda intii aan joogay lix baabuur ayaa ku soo kordhay, lixdaba waxa aanu ku xidhnay Numbarka dawlada, waxaana ka mid ah lixdaas baabuur laba baabuur oo ay kala wataan wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha kuwaas oo ay siisay UNDP hadana lagu qoray Numbarka dawlada.” Sidaa ayuu yidhi Cabdillaahi-Cirro.
Inkasta oo uu Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubbad, Sabtidii toddobaadkan Saxaafadda u sheegay inay Boolisku gacanta ku soo dhigeen in ku dhaw labaatan gaadiidka dawladda ka mid ah oo Mishiinnada laga furtay iyo kuwo waxyaabo kale lagala baxay, haddana, waxa uu maanta beeniyey xaqiiqada warkiisaa hore, waxaana ka mid ahaa hadalladiisii maanta uu shirkaa jaraa’id ka yidhi; “Sidaa ay Wasiirradu-ba u sheegeen warar baa jira sheegaya in gaadiid ay dawladu lahayd oo yaalay geerashyada lagu dhigay nambarada ay shicibku leeyihiin,”
Taliyaha Boolisku waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Annaga ka Boolis ahaan waajibka na saarani waxa weeyaan in aanu joojino oo eegno, oo wixii sharci haystana aanu sii dayno wixii kale aanu eegno oo la hubiyo ayuun buu arrinkayagu ahaa, dawladan cusubina waxa ay samaysay guddi nala shaqaynaysa wixi aanu aragnana waanu u gudbinaynaa oo waxa aanu odhanaynaa gaadhigan waxa iska leh dawlada geerashkaasna wuu ku jiraa, lakiin dawladii ayaa la xaday iyo waxbaa la qaatay anagu ma lihin mana odhan doono.”
Shirka jaraaid ee ay wada qabteen Taliyaha ciidanka Bilayska iyo labada wasiir ayaa muuqy mid lagu beeninayo warkii uu maalmihii lasoo dhaafay ku qiray Mr. Sanqadhi Dubad tirade gaadiidka dawlada ee la xaday mudada kala guurka ama la leexsaday ee ay Bilaysku qabteen oo uu ku sheegay ilaa 20 gaadhi. Sidaa  awgeed ay labada wasiir ku khasbeen inuu taliyaha Bilaysku beeniyo warkaa hore ee uu saxaafada siiyay, iyadoo wasiirka hawlaha guud qiray  inay jiraan gaadiid ku dayacan geerashyada oo sida uu sheegay lacago loo haysto.  
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *