Muqdisho(ANN)Magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, ayaa lagu dilay xalay  Weriye Axmed Cadaw Cashuur oo  ka tirsnaa Idaacada Shabeele iyo Sarkaal ka tirsanaa dawladda Turkiga. Kadib markii koox hubaysan oo aan la aqoonsan ay

 

xalay ku weerareen Huteel ku yaala suuqa Bakaaraha.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka dawladda taagta daran ee Soomaaliya C/samad Macallim, ayaa canbaareeyay  dilalkaa, wuxuuna sheegay inay samaynayaan baadhitaan la xidhiidha dilalkaa.
Dilka loo geystay Weriye Allah ha u naxariistee Axmed Cadaw Cashuur, ayaa noqonaya kii 28 ee lagu dilo weriyayaasha ka hawlgala Somalia tan iyo 2007, iyadoo ay kooxo aan la aqoonsan bartilmaameedsadaan weriyayaasha ka hawlgala Somalia.
Dhinaca kale Hay’addaha  Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch iyo  Amnesty International oo fadhiyadoodu yihiin Washington iyo London, ayaa baaqyo kala duwan kasoo saaray bilihii lasoo dhaafay xaaladda weriyayaasha ka hawlgala Somalia ee lala beegsado hawlgalada iyo shirqoolada sanadii u danbeeyay.

Hay’adda Human Rights Watch, ayaa baaq ay soo saartay April 2012, kaga  dalbatay inay dawladda taagta daran ee Somalia, baadhitaan rasmi ah ku samayso sabata dilalka weriyaaysha Somaalida ah. Kadib markii  February 28, 2012, magaalada Muqdisho lagu dilay Allah haw naxariistee Marxuum Abukar Hassan Mohamoud oo ay toogasho ku dileen dablay aan la aqoonsan, kaas oo ahaa weriyihii 27aad ee lagu dilo Muqdisho tan iyo 2007. Dilalka shirqoolka ah eel ala beegsado weriyayaasha ayaa noqday, kuwo aan  cidna ka daba tegein, taas oo sababtay inay kooxaha la beegsanaya shirqooladu kusii dhiiradaan inay sii wadaan hawlagalada ay ku khaarajinayaan suxufiyiinta ka hawlgala halkaa, isla markaana beesha caalamka ayaa dhawaaqyadoodu ku koobnaadaan oo keliya canbaarayn falalka noocaa ah, iyadoo aan shirkii Feb, 23 2012 lagu qabtay London xaalada khatarta ah ee ay ku sugan yihiin weriyayaasha Somalia lagu soo hadal qaadin.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *