Gebilay(ANN) Maxkamadda Degamada Gebilay, ayaa  go’aan kasoo saartay lamaane  guurkoodu dhaliyay muran iyo xiisad xamaasadaysan oo maalmihii u danbeeyay ay sheekadooda dadka Deegaanka gebilay iyo Boorama si weyn u qaadaa dhigayeen.

 

Labada qof ee lamaanaha ah  ayaa dacwadoodu ka bilaabantay Maxkamdda  Gebilay shalay. Kadib markii Wiil kasoo jeeda dadaka la hayb-sooco iyo gabadh dadka wax hayb-sooca ah guur dhexmaray. Laakiin ay guurkaa ka cadhoodeen  qoyska ay gabadhu kasoo jeedo, kuwaas oo dacwad u gudbiyay Maxkamadda.
Garsooraha kiiskaa qaadayay, ayaa markii uu dhegaystay, labada dhinac, isla su’aalo weydooyay, waxa uu soo saaray go’aan oo ku sheegayo inuu guurka labadaa lamaane ee Wiilka iyo gabadhu yahay mid xalaal ah oo aanu jirin sharci diidaya, kadib markii uu weydiiyay gabdha inay Raali ku tahay Ninkaa, isla markaana ay Garsooraha dacwadaa qaadayay weydiisay, inuu hayo sharci u diidaya ninkaa oo ay jeceshahay oo ay tahay Ooridiisii. Sidoo kale Garsooraha ayaa weydiiyay wiilka  iyo gabadha waxa ay wadaagaan, wuxuuna ka sheegay maxkamadda horteeda inay tahay xaaskiisa oo ay is jecel yihiin, isla markaana guur xalaal ahi dhexmaray oo ay leedahay Uur oo waqtigan xaamilo tahay.
Sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u sheegeen  saraakiil ka tirsan garsoorka Somaliland iyo dad goob joog ka ahaa dhegeysiga kiiska dacwadaa oo ahaa mid xaasaasi ah, waxay qoyska gabdha dhalay ku doodeen in wax loo qabtay oo aanu xiskeedu dhamayn sidaa awgeed laga furo ninkaa inantooda. Laakiin markii garooruhu dhegeystay dhinacyadaa, wuxuu ku dhawaaqay go’aanka kiiskaa, isagoo sheegay inuu guurkaasi yahay mid xalaal ah, maadaama ay yihiin laba qof oo iayagu is doortay, is jeclaaday, isla markaana iska raali ah oo guur xalaal ahi dhexmaray. Sidaa awgeed wuxuu uga digay qoyskaa inay wax faragelin ah ku sameeyaan lamaanahaa is jecel ee qoyska ah.
Hase yeeshee Qoyska ay kasoo jeedo gabdha, ayaa n ku qancin go’aankaa garsooraha maxkamadda gebilay, waxay markii maxkamadda laga dareeray muujiyeen sida aanay ugu farxin ee ugu qanacsanayn go’aankaa oo ay meel kale uga wareegayaan.
Dhacdooyinka noocan ah ee guurka dhexmara lamaane kasoo kala jeeda dadka laga tirada badanyahay ee la haybs ooco iyo kuwa wax haybsooca, ayaa marar baddan lagu arkaa maxkamaddaha Somaliland, waxanaa ka dhasha muran iyo khilaafaad iyo doodo xaasaasi ah oo dhexmara bulshada, balse labadan qof ee wiilka iyo gabadha , ayaa  sheekada  guurkooda iyo muranka ka abuurmay noqdeen kuwo deegaanka gebilay iyo Boorama oo ay kasoo kala jeedaan lamaanuhu deegaan ahaan aad loo hadal hayo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *