Adis Ababa (ANN)Kulan maanta lagu soo geba-gebeeyay  magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia oo  lagaga hadlayey dhameystirka jidka dib u heshiisiinta ee Road-Map-ka Somalia, ayaa laga soo saaray qodobo ku waajahan dhamaystirka iyo hirgelinta qorshaha beesha caalamka ee

arrimaha Somalia, kaas  oo ay ka qeybgaleen Saxeexayaasha Road-Mabka ee qaybaha siyaasada Somalia  iyo wufuud ka socotay beesha Caalamka.
Shirka ayaa ku dhowaaday bur-bur markii hore. kadib markii  Madaxd ka qaybgashay  isku mari waayeen dood culus oo ku dhalatay  qoddobada qaarkood, taas oo  sababtay  inuu saacado badan qaato shirku, balse  Gebagebadii shirka waxaa kasoo baxay go’aanno dhowr ah, kuwaas  oo ay ugu muhiimsan yihiin 15 qodob oo aanu halakn idiinku soo gudbinay
Qodobadaa ayaa u dhignaa sidan:-
1-Inuu Madaxweynaha soo saaro wareegto uu ku sheegayo inuu dhamaday xiligii KMG ahaa .
2-iyada oo la tixraacayo qodobka koowad ee Garoowe saxeexayaashu waxay ku heshiiyeen gole soo dhameystira dastuurka ugu danbeyn 20 bisha june 2012, iyo in la soo xulo xubnaha Baarlamanka 15 bisha july kama danbeys.
3-In la hirgaliyo heshiisyadii Garoowe 1,2 iyo Gaalkacyo, iyada oo la sameynayo barotokool lagu dhisayo gole latalin iyo baarlamaan federaal cusub .
4 -Dowlada KMG iney la shaqeyso Duubabka iyo hogaamiye dhaqameedyada la aqoonsanyahay.
5- In isbadal lagu sameeyo qodobkii 3aaad ee Garoowe si hogaamiya dhaqameedyadu usoo doortaan hal Murashax.
6 -In la aasaaso Golo dhamqameed oo garsoore ah ugu danbeyn 16 may 2012
7-In la aqoonsado heshiisyada garoowe 1,2 iyo Gaalkacayo .
8-In la sameeyo xafiis ay ku xidhiidhaan saxeexayasha rood-map- ka lagana furo Magaalada Muqdisho.
9 -In xiliga KMG dalka laga saarayo, kuna egyahay waqtigii loogu talagalay oo ku ah August 20 sanadkan 2012.
10-In madaxweynuhu wareegto uu ku saleeyo qorshaha 2011 ilaa 2014 iyada oo soomaliada wada qaadanayaan masu’uuliyada Amaanka, iyadoo arintaana aanu  baarlamanka mooshin ka keeni karin .
11-In Dowlada KMG ah iyo beesha caalamka ahmiyad siiyan Puntland, galmudug, ahlu suna waljamaca si ay ula dagaalaman qulqulka alshabaab ee buuraha golis iyo budhcad badeeda .
13- In beesha caalamku ay waqti u qabato hirgalinta qorshaheeda siyaasadeed ayna qaado cunaqabateynta hubka waqti ku haboon.
14-Cidii caqabad ku noqoto hirgalinta road-mapka waxaa laga qaadi doona talaabo ku haboon .
15 -In ururada AU, IGAD, ARAB LEAGUE OIC,  dhamaantood ay taageeraan hanaankan
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ahaa madaxda ka qaybgashay dhinacyada Somalia,  ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta ka hadashay geba-gebadii shirka,  wuxuuna  Sh. Shariif heshiiskaa ku tilmaamay in la isku afgartay oo xal laga gaadhay dhamaan khilaafyadii jiray oo laga heshiiyay. Balse waxa su’aalo ka taagan yihiin sida loom eel marinayo qodobada kasoo baxay shirkaa ee heshiiskaa oo qabado siyaasadeed iyo duruufo dhaqaalle ku xeeran yihiin.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *