Berbera(ANN)Masuuliyiinta Gobolka Saaxil, ayaa xabsiga u taxaabay Wariye Maxamed C/llahi Faarax  oo lagu naanayso (Soo-fadhiiste), kaas  oo Khamiistii hore ay ciidamo Boolis ahi ka kaxeeyeen xafiiskiisa, isagoo ku guda jira shaqadiisa. Sidaana l;agu geeyay Xabsiga dhexe

Magaalada Berbera.
Xadhiga Weriyahaa, ayaa lagu eedeeyay inuu ka danbeeyay Badhasaabka Saaxil Maxamuud Cali Hayste (Ramaax), balse Badhasaabka ayaa u sheegay Shebekada Berberanews inaanu isagu xidhin ee sharciga iyo Hay’addaha ku shaqada lihi xidheen. Kadib markii sida uu dooday Badhasaabku Weriyuhu faafiyay warar uu ku tilmaamay been abuur oo ku saabsan dhul dan guud ah oo ku yaal Degmada Sheekh, kaas oo Badhasaabka Berbera lagu eeddeeyay.   Laakiin Masuuliyiinta gobolka Saaxil oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino inuu Weriyaha xidhani bilaabay inuu cuntada cuno iyo sida ay xaaladiisu yahay ayaanay noo suurta gelin.
Wariye Maxamed C/lahi oo ka hawl-gala TV-ga Caalamiga ah ee Somali Chanel iyo Wargeyska Madaxa-banaan ee Saxafi oo kasoo baxa magaalada Hargysa.  Wariyaha ayaa la sheegay in loola dhaqmay si ka baxsan Xuquuqda Aadamaha, isagoo  weli ku jira xabsiga , isla markaana loo diiday inay wax cunto ah u keenaan Eheladiisu, taasoo sababtay inuu qaato go’aan uu cuntada Boolisku doonayeen  inay siiyaan kaga soomayo. Sidoo kale waxa loo diiday inay booqdaan eheladiisa iyo asxaabtiisa doonayay inay arkaan suxufigaa.
Talaabada Xadhiga Saxafigan oo aan waaqsanayn nidaamka iyo shuruucda dalka, isla markaana baalmarsan dastuurka dalka, ayaa noqonay mid daba socota falal sidan oo kale ah oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo mudadii yarayd ee ay xilka haysay kula kacday suxufiinta ka hawlgala warbaahinta kala duwan ee Somaliland, taas oo meesha ka saaray xoriyada saxaafada ee dastuurku jideeyay, isla markaana wax u dhimay xoriyatul qawlka, waxaana tacadiyada xadhiga  iyo caga juglaynta inta baddan lala beegsadaa suxufiyiinta ka hawlgala meelaha caasimada ka baxsan ee gobolada, kuwaas oo madaxda iyo masuuliyiinta xukuumadda ee ka taliyaa ugu awood sheegtaan xukunka iyo awooda xilalka ay qaranka u hayaan.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *