Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filyaa inuu safar kedis ah  oo aan hore loo shaacin ugu boqoolo  gobolada  galbeedka  Somaliland.  ma jiro war rasmi ah oo la xidhiidha safarka Madaxweynaha iyo ujeedadiisa, balse warar

shebekada wararka Araweelonews.com  ka heshay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda  oo ka gaabsaday in la xuso, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo maalinta  Sabtida  ee beri safar jarmaado ah ugu baxayo dhinaca galbeedka Somaliland,.
Sidoo kale wararku ma sheegin ujeedada safarka Madaxweynaha iyo wuxuu la xidhiidho, balse waxay wararka la xidhiidha iyo xoggaha aanu ka helay safarkaaa sheegayaan inuu Madaxweyne Siilaanyo booqanayo magaalada Boorama, isagoo saacado kooban jooga doona, isla markaana kulamo la yeelanayo Odayaasha  iyo masuuliyiinta gobolka Awdal, kuwaas oo aan la ogayn waxa uu kala hadli doono.
Socdaalkan ayaa noqonaya kii labaad labaad ee Madaxweyne Siilaanyo ku tago galbeedka Somaliland, balse booqashada xiligan oo kusoo beegantay, iyadoo ay jiraan cabshooyin iyo duruufo siyaasadeed oo ka aloosan dalka. sida muranka Ururadii ka hadhay tartanka qaarkood oo weli aan aqbalin natiijadaa iyo dhaqdhaaqyo  madaxdhaqameedka Somaliland qaarkood looga gacan haadinayo  dhinaca magaalada Muqdsiho oo shirka la doonayo in lagu ansixiyo dastuurka Soomaaliya ka socdo, kaas oo ay tageen shaqsiyaad kooban oo dhinaca Somaliland si qarsoodi ah uga baxay, balse aay xukuumadda Somaliland sheegtay inaan shirkaa waxba ka khusayn oo cidii tagtaa aanay metelin Somaliland loona aqoonsan doono inay denbi ka gashay qaranka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *