Boorama(ANN)Madaxweynaha  Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), ayaa kusoo laabtay Magaalada Hargeysa. Kadib markii uu booqasho saacado qaadatay ku tegey saaka subaxnimadii hore Xarunta Gobolka Awdal ee Boorama.

 

Madaxweyne Siilaanyo oo ay  socdaalkaa ku weheliyeen  Wefti ka tirsan xukuumaddiisa iyo golayaasha Baarlamaanka, wuxuu xadhiga ka jaray Afar Km oo ah wadada isku xidha Dila iyo Boorama oo ay Xukuumadu dhismaheeda fulisay. Sidoo kalena wuxuu dhagax-dhigay Lix Km oo kale oo lagu kordhinayo wadadaa oo dhowaan la bilaabayo.

https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13741e1ed026b93b&attid=0.14&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1336845103761&sads=VIPMh7BPl90lFc3l_Sf4qwSiwXU
Madaxweyne Siilaanyo intii aanu kusoo laaban Hargeysa, waxa kale oo uu dhagax dhigay 8 km oo ka mid ah wadada xidhiidhisa Goraya-Cawl iyo Boorama, wuxuuna hadal kooban oo uu ka jeediyay Degmada  Dilla uga mahad-naqay sida ay uga soo dhaweeyeen, isagoo  ku booriyay inay meel uga soo wada jeedaan wax kasta oo saamayn ku leh nabadgalyada guud ee dalka iyo ta gobolka awdal.

https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13741e1ed026b93b&attid=0.16&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1336845170034&sads=Q0WOuSWHTsZFuvLAUzG2RFEl2hE
Weftiga waxay  markaa ka dib u boqooleen dhinaca  magaalada Boorama oo si balaadhan loogu soo dhaweeyay, wuxuuna  Madaxweyne Siilaanyo  kulamo kala duwan kula yeeshay Huteelka Rays ee Magaalada Boorama maamulka, Waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo iyana dhinacooda ka hadlay baahiyaha iyo tabashooyinka deegaanka .

https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13741e1ed026b93b&attid=0.12&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1336844874704&sads=wesXtYWLYcLHQYQrHwuerjedafc

https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13741e1ed026b93b&attid=0.20&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1336845329859&sads=wnK-egofyl3wyLT4KN6ffOxeeRA

https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13741e1ed026b93b&attid=0.22&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1336845274717&sads=R8v9W5o7gPDlWxNROYwigwoWhtw

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *