somalimemo.netMuqdisho(ANN)Kooxo Hubeysan  oo aan la aqoonsan ayaa saaka subaxnimadii hore magaalada Muqdisho ku dilay mid kamida Wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho, weriyahaa oo lagu magiciisu  ahaa  Cabdi Xareed ayaa la dilay isaga oo kusii jeeda shaqadiisa, isla markaana

 

ku socda xarunra Idaacada Shabeelle oo ku dhaw garoonka diyuuradaha Muqdisho.
lama garanayo sababta dilka weriyaha iyo cida ka danbaysay, waxaana isla maanta la aasay weriyahaa la dilay, iyadoo aan la hayn cidii dishay ee falkaa fulisay.

Idaacadda Shabelle waxay sheegtay in kooxihii dilka geystay ay ka baxsadeen goobta mana jirto cid isku dayday in ay gacanta kusoo dhigto, inta badan wariyaashii shabeelle laga dilay ayaa lagu dilay degmooyinka Wadajir iyo dharkeynleey waxaana xusid mudan in demada Wadajir ee dilku ka dhacay sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka socdeen howlgallo lagu sheegayo in dad hubeysan lagusoo qabqabtay.

Magaalada Muqdisho waxay hoy u noqotay dilka weriyayaasha ka hawlgala warbaahinta, kuwaas oo aan dadka fuliya falalka lagu dilo weriyayaasha la aqoonsan, isla markaana aan wax baadhitaan ah lagu samayn.
Bahda Shebekada wararka ee Araweelonews waxay canbaaraynaysaa falkaa iyo falalka kale ee foosha xun ee lagu bar tilmaameedsado weriyayaasha Soomaaliyeed, waxayna tacsi u dirayaan qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhamaan suxufiyiinta Soomaalida, gaar ahaan Idaacadda Shabeelle ee uu ka tirsnaa marxuum Cabdi Xareed, waxayna illaahay uga baryayaan inuu Marxuumka Jannadii Fardawsa ka waraabiyo iyagana samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *