Golaha Wasiirada oo Kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Muqdisho (War Saxaafadeed)

Muqdisho(ANN)Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa canbaareeyay dhacdo ay ciidamada AMISOM si badheedh ah ugu toogteen  15 Jan 2013,  Tuulada Buula-Yaasiin ee duleedka Muqdisho oo ka

 

tirsan shabeelada /Hoose  7 qof oo shan ka mid ahi ahaayeen caruur, halka labada kalena ahayeen dad waayeel ah, isla markaana ay ku dhaawaceen 7 qof oo kale.

Golaha wasiiradda Somalia, waxay sidaa ka sheegeen kadib markii ay maanta oo Jimce ah yeesheen kulan, kaas oo ay kasoo saareen qodobo ay kaga hadlayaan arrintaa. sidoo kale waxay kulankaa kusoo qaadeen xadhiga Xaadhiga Weriye C/casiis C/nuur Koronto oo ku xidhan xarunta CID-da iyo dad kale oo loo haysto inay gudbiyeen warbixin gabadh la kufsaday oo waraabinta caalamka loo weriyay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Somalia C/kariin Xuseen Guuleed oo gabgabadii kulankaa Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Golaha Wasiiradu ay go’aanno ka soo saareen dhacdadii lagu laayay dadka rayidka ah, wuxuuna qodobada ay kasoo saareen ku sheegay sidan:-

In Dowladda Soomaaliyeed ay aad uga xuntahay falkaas, isla markaasna aysan u dul qaadaneynin in la laayo dadka Rayid ah oo aan waxba galabsan

In Dowladda Soomaaliyeed ay ka dalbaneyso Ciidamada AMISOM caddeymo buuxa iyo garoweshiyo falkii 15-ka bishan ka dhacay Tuulada Buulo-Yaasiin.

In Dowlada Soomaaliyeed ay u saartay Guddi soo xaqiijiya dhacdadaasi iyo sida ay ku timid dhimashada, dibna Golaha Wasiirada ugu soo celiyaan warbixin.

Dowladdu waxay Tacsi u direysaa iyada oo la murugeysan dadkii ku geeriyooday dhacdadaasi, kuwa dhaawacmayna in Alleh bogsiiyo

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay xadhiga weriye C/casiis Koronto iyo dad kale oo lagu soo eedeeyaya inay wabrixin been abuur ah oo ku saabsan Kufsi loo geystay gabadh Soomaaliyeed ay u gudbiyeen warbaahinta caalamka

Wasiirka ayaa sheegay in baadhitaan dheer oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in eedeynta la xadhiidha Kufsi ay ciidamada Boolisku ka geysteen xero ku taala magaalada Muqdisho, taasoo laga sii daayay TV-ga Aljazeera ay tahay mid been abuur ah, isla markaana ay gacanta ku hayaan Weriyihii iyo dadkii kale ee kala qeyb qaatay sharcigana la horgeyn doono.

“Golaha Wasiiradu waxay Cambaareeyeen falalka lidiga ku ah kufsiga haweenka iyo tacadiyada kale ee dumarka, waxayna adkeysay ciqaabta uu mudan karo shaqsiga ay ku cadaato falalkaasi kufsiga iyo dhibaateynta ah” ayuu yidhi wasiirka oo xusay in maalmihii ugu dambeeyey ay sharciga waafajiyeen askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo lagu eedeeyey inay galeen falal Kufsi ah.

Sidoo kale Golaha wasiiradda ayaa meel mariyay qorshe ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka kaas oo la xadhiidha dib u dejin loo sameynayo Barakacayaasha ku nool xeryaha Qaxootiyada, waxayna isla qaateen in si deg deg ah looga howlgalo arrinkaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa tilmaamay in dadkani ay haatan deggan yihiin goobo aan munaasib ku aheyn degaanka,  kuwaas oo aan laheyn agabkii degaanka sida biyo, caafimaad iyo Suuliyo, wuxuuna xusay in wasaaraddu iyada oo kaashaneysa hay’addo caalami ah ay u diyaarin doonaan dadkaa goobo ku wanaagsan degaanka oo leh adeeg caafimaad, biyo iyo adeegyada kale ee aas aasiga u ah nolosha.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *