somalimemo.net

Al-jeria(ANN)Ciidamada Dalka Al-jeria ayaa ku guuldaraystay inay soo furtaan 42 qof oo Afduub ay shalay u qabsadeen kooxda Al Qaacidda Maqrib ee ka dagaalaanta dhulka saxaraha ah, kuwaas  oo ay gebi ahaanba laayeen kooxda afduubka u haystay. kadib markii

 

weerar lagu qaaday maanta.

Dadka afduubka loo haystay oo u dhashay dalalka Mareykanka Faransiiska,Ingiriiska,Jarmalka,  Japan, Norwey iyo Talyaaniga oo tiradoodu ahayd 42 iyo 15 ka mid ahaa kooxda afduubka samaysay ayaa ku shufbeelay halkaa, kuwaas oo la doonayay in lasoo furto, isla markaana ay weerar hareerayn ah ku qaadeen maanta diyaaradaha dagaalka ee dalka Al-jeria oo kaashanaya ciidamada dalkaa.
wararka qaar ayaa sheegaya inay ka badbadeen dhimashadaa 4 qof oo ka mid ahaa dadka afduubka loo haystay iyo qof u dhashay dalka Japan oo lasii daayay ka hor intii aanu weerarku dhicin.

Hawlaglka ciidanka dalka Al-jeria ayaa sababay inay dalalka ay kasoo jeedaan dadka afduubka loo haystay ku canaanteen oo ay ku deg degeen, iyadoo ka hor intii aanu dagaalku bilaabmin wararka qaar sheegayaan inay kooxda dadka ajaanibka ah haysatay dalbadeen in loo baneeyo meel ay ka baxaan. laakiin sarkaal u hadlay dawlada Al-jeria ayaa taas gaashaanka ku dhiftay. 

Dagaalka waxa kaloo ku dhintay dhawr iyo toban ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Al-jeria, iyadoo shan iyo tobanka afduubayaasha ah ee ku dhintay halkaa uu ku jiray Taliyihii kooxdaa oo lagu magacaabi jiray Abul Baraa.

Dadka dhintay ayaa badankoodu ahaayeen kuwo u dhashay dalalka  Faransiis,Mareykanka,Ingiriis Norway,Irland, balse waxa lasii daayay hal qof oo u dhashay Japan ka hor intaan weerarku dhicin, iyadoo laba qof oo u kala dhashay dalalka faransiiska iyo Britain ay shalay dileen kooxda afduubka geystay.

Wasiirka arrimaha gudaha Al-jeria ayaa shalay gelinkii dambe sheegay in aanay wax wadahadal ah lageli doonin afduubayaasha oo ay xoog kusoo furanayaan dadka reer galbeedka ah ee laheystay, taas oo maanta ku dhamaatay guuldaro iyo wejigabax inay la kulmaan ciidamada dalka al-jeria ee sababay inuu fashilmo hawlgalkaas oo si weyn loogu dhaleeceeyay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *