Muqdisho(ANN)Kooxo Hubeysan oo aan la aqoonsan ayaa saaka subaxnimadii hore magaalada Muqdisho ku dilay mid kamida Wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho, weriyahaa oo lagu magiciisu ahaa Cabdi Xareed ayaa la dilay isaga oo kusii jeeda shaqadiisa, isla markaana
ku socda xarunra Idaacada Shabeelle oo ku dhaw garoonka diyuuradaha Muqdisho.
lama garanayo sababta dilka weriyaha iyo cida ka danbaysay, waxaana isla maanta la aasay weriyahaa la dilay, iyadoo aan la hayn cidii dishay ee falkaa fulisay.
Idaacadda Shabelle waxay sheegtay in kooxihii dilka geystay ay ka baxsadeen goobta mana jirto cid isku dayday in ay gacanta kusoo dhigto, inta badan wariyaashii shabeelle laga dilay ayaa lagu dilay degmooyinka Wadajir iyo dharkeynleey waxaana xusid mudan in demada Wadajir ee dilku ka dhacay sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka socdeen howlgallo lagu sheegayo in dad hubeysan lagusoo qabqabtay.
Magaalada Muqdisho waxay hoy u noqotay dilka weriyayaasha ka hawlgala warbaahinta, kuwaas oo aan dadka fuliya falalka lagu dilo weriyayaasha la aqoonsan, isla markaana aan wax baadhitaan ah lagu samayn.
Bahda Shebekada wararka ee Araweelonews waxay canbaaraynaysaa falkaa iyo falalka kale ee foosha xun ee lagu bar tilmaameedsado weriyayaasha Soomaaliyeed, waxayna tacsi u dirayaan qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhamaan suxufiyiinta Soomaalida, gaar ahaan Idaacadda Shabeelle ee uu ka tirsnaa marxuum Cabdi Xareed, waxayna illaahay uga baryayaan inuu Marxuumka Jannadii Fardawsa ka waraabiyo iyagana samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com