cabdi dheereHargeysa(Araweelo News Network))Wasiir Ku xigeenka Gaashaan-dhiga Somaliland Cabdi Daahir Camuud, ayaa jawaab ka bixiyay wax uu ku tilmaamay Gole  la baxay

 

Golaha Wadatashiga, kaas oo uu sheegay in uu yahay mid  sharci darro ah oo lagaga dhawaaqay magaaladda Hargeysa todobaadkii hore, waxaanu xusay in ururkaasi ay ku bahoobeen siyaasiyiintii ku fashilmay siyaasada oo dhan.

 

Wasiir Ku xigeenka Gaashaan-dhiga Somaliland Cabdi Daahir Camuud, wuxuu sidaa ku sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray, kaas oo u dhignaa sidan:- “Waxaan jecelahay aniga oo ku hadlaya fikirkayga gaarka ah in aan jawaab yar oo kooban aan siiyo Maxamed Xaashi Cilmi oo ka dhex muuqday kooxda sharciga baal marsan kana hadlay dhaliilo uu u soo jeediyey golayaasha qaranka.

 

Hadaba, Maxamed Xaashi waxa uu la tartamay madaxweynihii u horeeyey ee Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Cali,  balse wuu ku guul-draystay waxaa kale oo uu la tartaymay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu helay laba cod oo ay siiyeen aniga oo ah Wasiir ku xigeenka Gaashaan-dhiga hadda iyo Cumar Jaamac Ismaaciil oo geeriyooday Allah  ha u naxariistee,  markaa ayay ahayd in uu siyaasadda ka fadhiisto.

 

waxa kale oo uu ka mid noqoday intii dawladu jirtay oo dhan isaga oo ka noqday kolba Wasiir.  laakiin nasiib darro lix bilood ka badan muu hayn xil kasta oo loo magacaabo,  taasi oo ku tusaysa in inuu yahay siyaasi ku guul-daraysta hawl kasta oo loo igmado,  isla markaana waxaa uu ka mid noqonayaa ma gudbayaasha siyaasadda aniga fikirkayga.

 

Sidaa darteed, Maxamed Xaashi waxaan odhan lahaa ummada ka fadhiiso, wali ma arag nin ila yaaba mooyeene nin yidhaahda bagaad Maxamed Xaashi cod u siisay,  mana arag qof igu soo dhaweeya arrintaasi qof ila yaaba mooyee.

 

Waxa kale oo aan ogayn in xukuumadan maanta joogta ay u dhiibatay xilkii ugu cuslaa oo ah Wasiirka Maaliyadda, balse wuu ka soo bixi waayey xilka la saaray iyada oo madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo u lahaa aqoon badan, hadana waxa uu u dhiibay xil aad u culus, waxaase nasiib darro noqotay in aad muranka dhex abuurtay xukuumaddii aad la shaqaynaysay sidaasina aad ku weyday xilkii Wasiirnimada maantana aad murankii caadada kuu ahaa la joogto gole sharci daro ah.

 

waxaa kale oo aan jecel ahay in aan ummada u xaqiijiyo in xukuumadan maanta jirta mid ka wanaagsani soo marin somaliland dibna all og wax badan oo ay qabatayna la isu sheegi maayo haddii ay tahay wadooyin iyo haddii ay tahay lacag kordhin haddii ay tahay dhaqaale kobicin haddii ay tahay nabadgeliyo iyo haddii ay tahay guulihii doorashada oo ay siyaasiyiintii u furatay meel ay ka soo galaan siyaasada,waxa kale oo xukuumadani wax ka qabatay dhalinyarada somaliland oo ay u samaysay shuruucdii ay siyaasada k soo geli lahaayeen,waxaa iftay arimihii dibada ee somaliland waxaa soo dhawaaday aqoonsigii somaliland waxaasi oon dhan waxaa mahadeeda iska leh madaxweyne Axmed Maxamed siiraanyo alla hadaayee iyo xukuumaddiisa sharfta leh.

 

Sidaasi awgeed, siyaasiyiinta ku dhawaaqay golaha cusub waxa ay ku guul-daraysteen in ay u gudbaan xisbiyo waana ururadii dhacay iyo xisbiyadii guul-daraystay hormoodkoodii markaa waxaan isleeyahay waxaa ay ka mid yihiin ma gudbayaasha siyaasada Somaliland.

 

xisbiga dhex boodayaana waxaa uu luminayaa xisbinamaddii haddii uu galo hawlo shir beeleed waxaana aan filayaa in uu waayi doono xisbinimada mar haddii uu galay hawlo kale oo aan xisbi ahayn,waana laga qaadi doonaa liisanka waayo dalku sharci ayuu leeyahay.waxaa kale oo jirta in dalkani Somaliland leeyahay golayaal qaran kuwaasi ayaa metela wixii soo raacaa waa xisbiyada qaranka iyaguna xuduud ayay leeyihiin haddii ay ka baxaan xuduuda waxaa ay waayi doonaan shahaadada xisbinimada.

 

waxaa kale oo aan jecel ahay in aan dadka xusuusiyo in marka laga yimaado madaxweynaha qaranka iyo ku xigeenka ay jiraan gole Wasiirro ah ninba meel qaabilsan yahay. hadaba wasiirka madaxtooyada oo ka mid ah Wasiirrada xukuumadda ahna gacan yaraha madaxweynaha waxaa uu ka mid yahay shakhsiyaadka koobsaday hawl karkarnimo,geesinimo deeqsinimo,garsho dheer,firifircooni,edaab iyo ALLE kacabsi, markaa waxaan isleeyahay hibo ILAAHAY siiyey in aan dadka hadal-hayaa aanay ka qaadi karayn waana shakhsi mustaqbalkiisa siyaasadeed soo ifayo waxaanan isleeyahay wuxuu ka mid noqon doonaa hogaamiayaasha somaliland ee mustqbalka,markaa madaxtinimo ilaahay bixiyo waxba yaan lagu daalin ragga afka lagaadad miciin modayna,waxaan leeyahay isku xishooda oo mustaqbalka soo ifaya ka daaya aflagaadada haddii aad idinku ku sifowdeen ma gudbayaasha siyaasada Somaliland.

 

Gunta iyo gabagabada aniga oo ku hadlaaya fikirkayga gaarka ah, waxaan jecel ahay in la ixtiraamo sharciyda dalka,  isla markaana la joojiyo aflagaadada qaawan ee aad caadaysateen.” Ayaa lagu yidhi qoraalka uu wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *