Al-shabaab Oo Sheegtay Inay Weerarkii Qaraxa Muqdisho Ku Dhaawacen Sarkaalka Hay’adda CIA Ee Maraykanka U Qaabilsanaa Bariga AfrikaMuqdisho(Araweelo News Network) Afhayeenka u hadlay Xarakada Al-Shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage ayaa shaaca ka qaaday in weerarkii

shalay lala beegsaday kolanyo gaadiid oo marayay wadada KM4 ee Agagaarka Garoonka Diyaarada Muqdisho ujeedadiisu ahayd in lala beegsadoTaliyihii ugu sareeyay Hay’adda Sirdoonka Maraykana ee Loo Yaqaano CIA qaybteeda Bariga Afrika, kaas oo uu dhaawac halis ah kasoo gaadhay weerarka sida uu sheegay afhayeenka al-shabaab.

 

 

Sheekh Cali Dheere ayaa warbaahinta taageerta Al-shabaab u sheegay  in ninkan la beegsaday oo magaciisa la yidhaahdo Gray Schroen ay Mujaahidiintu xogtiisa wax badan ku raad-joogeen,  islamarkaana uu xasuuq ba’an kasoo gaystay wadamada Afghanistaan iyo Pakistaan oo uu ma’suul CIA-da hore uga soo noqday, dhawaana lagu soo wareejiyay inuu hogaamiyo howlgallada CIA ee ka dhanka ah Muslimiinta ku dhaqan Bariga Afrika gaar ahaan  Soomaaliya.

 

Hase yeeshee wuxuu sheegay in Madaxa Sirdoonka CIA-da Bariga Afrika shalay lagu beegsaday uu ka horeeyay masuulkii shaqadan u qaban jiray hore, kaas oo sida uu sheegay  ay Mujaahidiintu Camaliyad la beegsadeen taariikhdu markii ay ahayd  14 Desember 2012, Camaliyadaas oo ka dhacday wadada Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka Al-shabaab waxa kale oo uu sheegay in weerarkaa uu  ku dhintay ku xigeenkii  Abaanduulaha Ciidamada Yugaandha ee qaybta ka ah Ciidamada Shisheeye ee Amisom iyo labo sarkaal oo kale oo Yugaandha ah, waxaa kale oo ku dhintay mid ka mid ah Ilaaladii Madaxa CIA-da bariga afrika oo sida uu sheegay ahaa  ahaa nin Maraykan ah.

 

Al-shabaab waxay sheegtay in Madaxii CIA-da Bariga Afrika Gray Schroen uu dhaawac halis ah kasoo gaadhay weerarkaa oo sidoo kale ay goobta ku dhaawacmeen labo ka tirsanaa CIA-da oo ilaalo u ahaa Sarkaalka la beegsaday iyo Labo sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Yugaandha oo la socday kolonyada.

Hase yeeshee ma jiraan warar madax-banaan oo sheegaya in sheegashada Al-shabaab tahay mid dhab ah, isla markaan dawlada Maraykanka ayaan ka hadlin weerarkaa iyo waxa ka jira khasaaraha ay kooxda Al-shabaab sheegtay, balse ciimadamada Yugaandha ayaa shalay sheegay in weerarka lagaga dhaawacay laba askari.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *