bre1Gaalkacayo(Araweelo News Network) Koox Dabalay ah oo aan la aqoonsan ayaa caawa fiidkii ku dilay Magaaladda Gaalkacayo Sarkaal sare oo ka tirsnaa

 

Hay’adda INXA. Sarkaalkaa oo lagu magcaabi jiray Cabdi Faarax Maxamuud, isla markaana hawlo shaqo oo dhinaca hawlaha aadamino iyo nabaynta u joogay halkaa.

 

Sida ay shebekaddaha wararka ee Arraweelo.com iyo Araweelonews.com u sheegeen Ehelada Marxuumka la dilay, waxay sheegeen in Koox dablay ah oo aan la aqoonsan la beegsadeen, isagoo Marxuumku xiligaa afurkii ka dib kasoo baxay Masjid ku yaal badhtamaha Magaalada Gaalkaaco.

Sarkaalka la dilay oo madax ka ahaa Hay’adda INXA oo ah dalad ay midaysan yihiin Ururada Bulshada Puntland iyo Somalia, taas oo  ka shaqaysa arrimaha biniaadnimada iyo nabadaynta ee koonfurta iyo Badhatmaha Somalia.

Marxuum Cabdi Faarax, wuxuu mar ahaa Gudoomiyaha Dallada INXA, wuxuuna ahaa sarkaal xilal kala duwan kasoo qabtay Dallada INXA.

Mamulka Weriyayaasha, Hawlwadeenada iyo shaqaallaha ka hawlgala Shebekaddaha Arraweelo.com iyo Araweelonews.com, waxay tacsi u dirayaan Qoyskii, Qaraabadii iyo dhamaan eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum Cabdi Faarax Maxamuud, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu Marxuumka Jannadii Fardawsa ka waraabiyo, iyagana Samir iyo Iimaan ka siiyo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *