Hargeysa(ANN)Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabay  Mid kamid ah Madaxdhaqameedka Somaliland ee deegaanka Hargeysa oo tan iyo sanadkii hore markii ay Magaalada Muqdisho ka socdeen shirarkii lagu soo

 

dhisayay dawlada Somalia ku sugnaa halkaa.

Sida ay shebekadda wararka ee araweelonews.com oo khadka isgaadhsiinta kula xidhiidhay qoyskiisa u xaqiiyeen  Boqor Raabi Yuusuf C/llaahi, waxa uu dalka kusoo laantay shalay. kadib markii uu kasoo kicitimay Magaalada Muqdisho, isagoo si nabad ah uga soo degay garoonka Diyaaraddaha ee Berbera, balse sida ay sheegeen qoyskiisu saaka ayuu tegey Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, isagoo kulan la laahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Axmed Wii-Waa.

Hase yeeshee Ciidamadda Booliska ayaa ugu tegey xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda. kadibna u taxaabay Xabsiga.Qoyska Boqor Raabi waxay u sheegeen Shebekadda Araweelonews.com in la geeyay xarunta CID-da, balse loo diiday inay la kulmaan, mana garanayno ayay yidhaahdeen sababta naloogu diiday inaan aragno.

Boqor raabi waxa uu August  2012  ka degay Muqdisho, isagoo ka tegey dhinaca Somaliland ee caasimada Hargeysa, iyadoo uu xilagaa Magaalada Muqdisho ka socday qorshihii lagu soo dhisayay dawlada Somalia ee lagu dooranayay Baarlamaanka u codaynaya  Madaxweynaha dawlada loo dhisayay Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Maaha markii u horaysay ee ay Xukuumaddihii soo maray Somaliland xabsiga u taxaabaan madaxdhaqameedkaasi,iyadoo lagu eedaynayo inuu ka horyimi qaranimada iyo jiritaanka Somaliland. Raabi ayaa hore uga qaybgalay shirarkii Somalia loogu dhisayay dawladihii hore iyo shirkii ugu danbeeyay ee lagu soo dhisay dawlada Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale lama garanayo sababta ay dawladu u ogaan weyday markii uu kasoo degay madaarka Berbera ka hor intii aanu dalka soo gelin ee aanu soo gaadhin gurigiisa oo ku yaal Koonfurta Magaalada Hargeysa, iyadoo inta badan ciidamada sirdoonku ogaan jireen dadka sidan oo kale ka qaybgala shirarka noocaa ah ee doonaya inay dalka si qarsoodi ah ugu soo laabtaan.

Arrintani waxay kusoo beegantay kadib markii todobaadkii hore ay ciidamada Boolisku ka qabteen Magaalada Gebilay Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Fedaraalka Somaliya oo kasoo jeeda deegaankaa, kaas oo aan laga war hayn xiligga uu dalka soo galay iyo halka uu kasoo galay, balse markii ay oggaadeen ciidamadda Boolisku xildhibaankaa oo lagu magcaabo Jaamac Axmed xabsiga u taxaabeen.

si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in Hay’addaha sirdoonka oo hawshoodu ahayd inay ogaadaan dadka sidan oo kale usoo gelaya dalka, iyagoo aan wax ogolaasho ah haysan, isla markaana ka qaybgalay ama masuuliyad ka haya dawlada Somalia si dhib yar usoo galaan dalka, kuwaas oo lagu war helo iyagoo ku sugan gudaha magaalooyinka Somaliland,taas ay markhaati ka yihiin labada dhacdo ee ugu danbeeyay ee lagu ogaaday xildhibaanka Baarlamaanka Somalia ee ku sugnaa Gebilay iyo madaxdhaqameedka shalay kusoo laabtay dalka ee maanta laga qabtay xafiiska wasaaradda Duulista, waxayna dhacdooyinkani wejigabax ku yihiin Hay’addaha sirdoonka ogaan waayay, ama indhaha ka qarsaday arrimahaa oo u baahan inay xukuumaddu is weydiiso dababta ay u dhaceen.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *