Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane  Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa kullan xog-wareysi ah la yeeshay Jaalliyada Somaliland ee UK, balse ka hor intii aanu Madaxweyne Siilaanyo hadal ka

jeedin kulanka, waxa ka hadlay qaar ka mid ah xildhibaanada Kulmiye ee ku sugan London iyo xubno kale oo ka mid ah qurba-jooga.

Wasiir ku xigeenkii hore ee Arrimaa debeda ee Somaliland Maxamed Yoonis oo ka mid ahaa dadka ka hadlay munaasibada ayaa nasiib darro ku tilmaamay  in tiro yar oo Qurbo-jooga ka mid ahi ay had iyo goor  saxaafada ku qoraan waxyaabo halis ku ah Qaranimada Somaliland. sidaa awgeed  loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto ka midhodhallinta qadiyada Somaliland. 

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Debeda iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka hadlay kualankaa ayaa ka warramay ujeedada Socdaalkooda iyo natiijooyinkii ka soo baxay kullan ay la yeesheen wasiirka wasaaradda arrimaha debedda ee Britain, wuxuuna kulankaa ku tilmaamay mid guulo la isku afgartay waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dhinac ee Britain iyo Somaliland.

Dr. Maxamed C/llaahi wuxuu xusay in dawlada Britain durba wax ka badeshay digniintii dhinaca socdaalka ee ay soo saareen,  isla markaana ay labada dhinaca sii xoojin doonaan wada shaqayntii ka dhexeysay. Sidoo kale waxa uu xusey in ay ka wada hadleen shirka Soomaaliya loo qabanayo bisha  May ee sannadkan oo aan ilaa iminka ajandihiisa la dejin, kaas oo sida uu xusay aanay ilaa hadda Somaliland wax macsuumad ah oo ku saabsan shirkaa soo gaadhin. Wasiirku waxa uga mahadceliyay  dallada SSE oo tallo qoraal ah u gudbisay weftiga,  wuxuuna usoo jeediyay in ururada kalena ay ku daydaan.

Hase yeeshee Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Siilaanyo oo khudbad ka jeediyay halkaa ayaa uga mahad celiyay qurbajooga reer Somaliland sida ay dedaalka ugu jiraan difaacida qadiyada Somaliland iyo horumarinta dalkooda Hooyo.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu si kooban uga waramay Waxqabadka muuqda ee xukuumaddiisu ay ku tallaabsatay muddadii ay tallada dalka haysay,  isagoo xusey in dhinacyo baddan ay wax ka qabteen, wuxuuna tusaale usoo qaatay dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashadda , Dhaqaallaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka iyo Madaarradda .

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu markii u horeysay ka hadlay shirka arrimaha Soomaaliya ee lagu qabanyo London  bisha fooda inagu soo haysa ee May, wuxuuna  Madaxweyne Siilaanyo caddeeyay in shacbiga reer Somaliland aanay ka qayb gali doonin shirkaa haddii ay u arkaan inuu yahay mid ka hor imanaya Danaha iyo Maslaxadada Dadka iyo Dalka Somaliland.

“ Kama Qayb Gali doono haddii uu shirkaasi yahay mid aan Maslaxada Qaranka Somaliland aanay ku jirin, kama Qayb gali doono haddii aanu u aragno in shirkaasi uu yahay mid hoos u dhigaya karaamada Somaliland, cidna  uga habrran mayno inaanu u sheegno in shirkaasi aanu ka qayb gali doono oo kaliya haddii aanu u aragno maslaxadayada marka aanu aad ugu baaraan degno ee aanu talo Qaran ka yeelano” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayay mawqifka Somaliland ee ku waajahan shirkaa.
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu difaacay dhaliilaha xukuumaddiisa ee lagu tilmaamo inay koox yari talada dalka wax ku leedahay, balse waxa  ku dooday  in xukuumaddiisu ay ku dhisan tahay tallo wadaag oo sidii horeba ay u yeelen ay tallo wadaag Qaran laga yeelan doono marka ay soo gaadho macsuumada shirka London, kaas oo ay qabanqaabadiisa wado dawlada Britain.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu shacbiga reer Somaliland ee dalka Dbeddiisa iyo kuwa  dalka Gudihiisa ku sugan ku Boorriyay  in ay u midoobaan Horumarka dalkooda Hooyo oo ay sii laban laabaan dedaalka ay ugu jireen Qadiyada Somaliland, wuxuuna uga madaceliyay Qurba jooga Somaliland ee UK soo dhawaynta fiican ee ay mar kasta kala kulmaan iyo sida ay dalkooda heeganka ugu yihiin.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *