Hargeysa(ANN)Maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa maanta ka go’aan ka soo saartay dacwada loo haystay Nadra Maxamed Jaamac oo ku eedaysnayd inay Wasiirka Madaxtooyada u dirtay fariimo  cay iyo aflagaado

anshax xumo ah oo ay u marisay SMS-ka Telefoonka Mobilka.

Dawacada Gabadhaa oo ka socotay maalmihii u danbeeyay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex , ayaa natiijadeeda lagu dhawaaqay maanta ka dib markii sida uu sheegay garoosraha dacwada qaadayay Nadra Maxamed Jaamac ay  Maxkamadda horteeda ka qiratay inay fariimaaha lagu eedeeyay u dirtay Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali.

Garsooraha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa markaa ka dib ku dhawaaqday go’aankeeda oo ahaa in Nadra Maxamed Jaamac lagu xukumay 8 bilood oo xadhiga ah, maadaama ay qiratay eedaha loo haysto sida uu sheegay Garsooraha kiiska qaadayay.

Xukunka Maxkamadda Gobolka ee lagu riday Haweenaydaa ayaa mudadii dacwadu socotay doodo ka dhex abuuray Rayal caamka Bulshada, wuxuuna go’aanka Maxakamaddu kusoo beegmay, iyadoo wasiirka madaxtooyadda Somaliland shalay ka hadlay markii u horaysay dhacdadaa. 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *