Hargeysa(ANN) Wefdigii ugu cuslaa ee wakiilo  dublamaasiyiin ka socda 16, wadan iyo Urur goboleedyo sida Midawga Yurub iyo IGAD  ayaa  Somaliland   yimi maanta, waxayna  durbadiiba kulan kula yeesheen qasriga Madaxtooyada Madaxweynaha Somaliland

 

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo shirgudoonka Labada gole Baarlamaan ee Somaliland.
Sidoo kale wefdigu waxay Huteelka Maansoor kaga dhegeysteen warbixin wasiirka Arrimaha debeda Somaliland iyo xubno kale oo ka tirsan gollaha wasiirada. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafada loogu tala galay oo kasoo qasriga madaxtooyada kulamadaa kadib. 
Qoraalkaa oo lagu sheegay inay ujeedada wefdigu tahay xog ogaal u noqoshada xaalada Somaliland iyo waxyaabaha ay qabsatay ayaa lagu xusay inay booqashadoodu tahay mid maalin ah.
Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexanyahay af-hayeenka madaxtooyada C/llaahi Daahir Cukuse ayaa u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay  Wefti balaadhan oo ka kooban 16 Xubnood oo ka kala Socda  wadamada Ethiopia, Belgium, Finland, France, Germany, Jaban, Italy, Netherlands, Norway, Uk, Spain, Turkey, USA, Brasil, Wakiilka EU u Fadhiya  Djibouti iyo Xoghaynta urur Goboledka IGAD.

Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Horu-marka dhinacyada badan leh  ee ka socda Somaliland waxa kale oo uu u sheegay inay Somaliland Beesha Caalamka ka sugayso Gacan qabasho dhinaca dhaqaalaha iyo aqoonsi, si uu dedaalkan ay Somaliland la timid u noqdo mid xaqiijiya  Himillada ummadda.
Eng Mahboub Maalin oo ah Xoghaynta guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa isaguna madaxweyanha uga mahad celiyey soo dhawaynta uu weftigu kala kulmay Somaliland waxaanu sheegay inuu socdaalkooda  weftigu daba socday safar hore oo Urur goboleedka IGAD Somaliland ku yimaadeen, kaas oo ujeedadiisu tahay xogogaal u noqoshada waxa ay qabsatay Somaliland.
Ambassador Renzso Rosso oo ah safiirka Talyaaniga u fadhiya Ethiopia kuna hadlayay magaca safiirada ayaa madaxweynaha uga mahad-naqay soo dhawaynta iyo qaabilaada ay kala kulmeen Somaliland.
Safiirku waxa uu sheegay inay farxad gelisay waxa ay indhahooda ku arkeen oo ah waxa ay qabsatay Somaliland, Dhismaha ka socda, Ganacsiga iyo nabad gelyada ka jirta Somaliland.
Weftiga oo booqasho maalina ku joogaya wadanka waxa kulanka ka dib Hotel Mansour  warbixin dheer ku siiyey Wasiirka Arrimaha Debeda, Wasiirka Qarshaynta iyo Xubno kale.
Dhinaca kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Debeda, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiirka Macdanta iyo tamarta, wasiirka Arrimaha Guddaha, Wasiirka Duulista iyo Hawada, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Gudoomiyaha Golaha waskiilada iyo Gudoomiye kuxigeenka Golaha wakiilada.
Dhinaca Weftigu waxay ka koobnayeen sidan:-
1.        Ethiopia: Amb. Negash Kibret
2.      IGAD Secretarial: Executive Secretary Ing. Mahboub Maalim
3.      Belgium: Amb. Gunter Sleewagen
4.     EU ( Djibouti): Frederic Roberts
5.      Finland: Amb. Leo Olsvirta
6.      France: Amb. Jean-Chirstophe Belliard
7.      Germany: Nichael Biontino
8.      Jaban: Amb. Hiroyuki Kishino
9.      Italy: Amb. Renzo Rosso – Alberto Vecchi
10.     Netherlands: Sjoerd Smit
11.       Norway: Amb. Odd-Inge Kvalheim
12.     Uk: John Marshall, Sean Cockburn
13.     Spain: Jose Eugenio Thovar Loxano
14.    Turkey: Amb. U. kenan Ipek- Elif Okutucu
15.     USA ( Bilat )Amb. Donald Booth
16.     Brasil: Amb. Isabel Cristina de Azvedo Heyvaert
Araweelonews  Mobile
Somaliland Office
E-mail info@raweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *