Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta markii afraad baaq nabadeed u diray dadweynaha gobolada Sool iyo Buuhoodle, waxaanu ku baaqay inay joojiyaan kooxaha dagaalada ka wada deegaanadaasi. Iyadoo dhinaca kalena baaqani

kusoo beegmay iyadoo ciidmada qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore ee duleedka Buuhoodle ay saaka iska caabiyeen weerar ay kusoo qaadeen kooxda nabad-diidka SSC ee xidhiidhka leh Argagixisada, isla markaana taageerada ka hela maamulka Budgacad-badeeda Faroole ee xaruntiisu tahay Garoowe.
Baaqa nabadeed ee Madaxweyne Siilaanyo  saaray maanta  wuxuu u  dhignaa sidan:-“Bismillaahi Raxmaani Raxiin, marka hore waxaan tacsi u dirayaa cid kasta oo uu khasaare ka soo gaadhay dagaalada ka dhacay Deegaanada Buuhoodle, waxaanan baaq nabadeed u jeedinayaa cid kasta oo faraha kula jirta.
1.      Isla maalintii aan xilkan qabtay iyo Intii ka danbaysay waa markii Afraad ee aan Baaq nabadeed iyo gogol u fidiyo Cidii tabasho siyaasadeed qabta. 
2.      Waxa  aanu dirnay oo goobta tegay ergo balaadhan oo muddo dheer hawshaa ku jirtay, ergadaas oo ka koobnayd Wasiirro, Madax-dhaqameed, Culimo, Madaxda Xisbiyada iyo waxgarad kale.
3.      Ergadaasi markii ay muddo joogtay ee ay labada dhinacba la kulantay waxay gaadheen go’aamo. Nasiib darro go’aamadaasi may noqonin kuwo ay arrintu ku dhamaato oo waa la diiday
4.      Halkaa kaga maanu hadhin ee waxaan ka bixiyey amaro cad cad oo xiisada lagu soo af-jaro.
Jawaabta ay kooxda Nabad diidka ahi ka bixisay dhaq-dhaqaadaa nabad doonimo ee ay Xukuumada Somaliland u fidisay.
1.      Saddex goor ayey Ciidanka Qaranka ku soo weerareen Fadhiisankooda.
2.      Wasiirkii Kalluunka ee Putland oo si badheedha u dhiiri geliyey Colaada.
3.      Madaxweynaha Puntland laftiisa oo qirtay, isla markaana dagaal ku baaqay, Xildhibnada iyo Wasiiradda Puntland ee gurmadka ku jooga jiida ay xasilooni daradu ka jirto.
Waxaas oo dhami naga niyad-jebinayaan dedaalkii nabad doonimo ee aanu horeba u wadnay, sidaa awgeed waxaan mar kale ku celinayaa walaalaayaal caqligu ha shaqeeyo, colaaduna waxba ma tarto, ninka ku deg-degaana kuma faa’iido, dhibaatada soo gaadha shacbiguna, dhinac kastaba ha joogaane wayna damqaysaa.
Ciidamada Qarankuna hawsha ay hayaan waa tii ay u xil saarnaayeen.
Waxaanay garab taagan yihiin dedaalka nabad-doonimo ee Somaliland doonayso.” Ayuu lagu yidhi baaqa Madaxweynaha  Somaliland.

Dhinaca kale Kooxda Nabad-diidka ah ee xidhiidhka la leh Argagaxisida ee SSC, isla markaana taageerada ka haysta maamulka Budhacd-badeeda ee xaruntiisu tahay Garoowe ayaa saaka weeraro gaadmo ah ku soo qaaday fadhiisimmadda ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan jiida duleedka Buuhoodle.

Ciisanka qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore , ayaa iska caabiyay weerarkaas, illaa hadana ma jiro warar rasmiya oo ka soo baxay khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay, haseyeeshee qaar ka mid ah dadka deegaankaa ka dhaw oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay shebekadda araweelonews, ayaa u xaqiijiyay inuu dagaalkaasi bilaabmay saaka subaxnimadii hore, ka dib markii kooxda nabad-diidkuu ay madaafiic ku soo weerareen ciidanka qaranka.

Warku waxa uu intaa ku daray in ciidanka qaranku dib u riixeen kooxda maleeshiyadda ah, islamarkaana uu dagaalku socdo. Wixii kasoo kordha kala soco shebekada Araweelonews.com
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *