Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa markii u horaysay ka hadlay ku dhowaad 30 guri ku shubeelay  xaafada New Hargeysa ee magaalada Hargeysa saddexdii todobaad ee u danbeeyay, guryahaa oo illaa imika aan la aqoonsan cida gubtay, iyadoo

 

ay ciidanka Bilaysku u qabteen tiro dad ah,  isla markaana gubashadii weli sii kordhaysayso oo aanay istaagin.

Wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo oo la weydiiyay xaalada gubashada gurayahaa iyo waxa ay xukuumaddiisu  ka qabatay  ilaa hada yidhi, “Hawshaasi faraha ayaa lagu hayaa oo ciidanka Booliska ayaa gacanta ku haya si deg deg ahna waa la idiinla socod siin doonaa arrinta guryahan la gubayo waxa ka soo baxa,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo maanta u waramayay Idaacada VOA-da.

Dhinaca kale gubashada guryaha ayaa weli sii socota, isla markaana aan istaagin, iyadoo ay ciidanka Bilaysku u qabteen arrimaha dersin dad ah, waxaana maanta ku gubtay xaafada xaafada New Hargeysa Afar, kuwaas oo dadweynaha xaafada ku beeray xaalad cabsi iyo murugo leh, isla markaana waxay  ku dhaliileen  Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo  in aanay waxba ka qaban arrintaa ilaa hada oo ay qaarkood alaabtii u taalay debeda dhigeen, iyagoo ka cabsi qaba inay guryohoodu gubtaan.

Hase yeeshee Taliyaha Ciidanka Booliska Cilmi Rooble Furre, ayaa caawa shaaciyay inay gacanta ku hayaan 13 qof oo qaarkood lagu qabtay falkaa iyagoo doonaya inay guryo ku tuuraan waxyaabaha koomikada ah ee dabka dhalinaya,  wuxuuna sheegay in dhacdadan argagaxa leh ay ay hada gacanta ku qabteen oo ciidnka Bilaysku ku guulaysteen.

Taliyaha ciidanka Bilayska Somalialnd Gen, Cilmi Rooble Fure waxa uu sheegay inay cadaymo ku filan iyo markhaatiyo u hayaan inay dadka ay hayaan ka danbeeyeen arrintaa gubista guryaha, isla markaana ay arrintu tahay mid siyaasadeed oo rag waaweyni ku jiraan, isla markaana ay sharciga hor geyn doonaan dadkii waxan ka danbeeyay oo qaarkood bilaysku raadinayo oo la aqoonsaday, qaarna gacanta lagu hayo. Wuxuuna in dadkii guryahan gubay ay adeegsadeen caagado ay ku jiraan baatrool iyo kiimiko oo ay ku tuureen guryaha dushooda habeenkii ka dibna marka qoraxdu maalintii kululaato ay guryahaasi shuf beeleen, iyadoo kiimikadaa la raacinayo baaruuda iyo midhaha kabriidka. Sidaa awgeed ay ciidanku gacanta ku hayaan qalabkii iyo waxyaabihii loo adeegsanayn arinta gubista gurayaha.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *