Buuhoodle (ANN) Wefdi uu hogaaminayo Gudoomiye xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax  oo ay weheliyaan wasiiro ka tirsan xukuumada, siyaasiyiin  iyo xubno kale oo mihiim ah ayaa gaadhay xalay  deegaanka Widh-widh, halkaas

oo dadka deegaanku si diiran ugu soo dhoweeyeen.
Sidaana waxa xaqiiyay wararka aanu ka helay deegaanka widh-widh. Gudida Madaxweyne Siilaanyo u saaray xalinta khilaaafka iyo muranka tabashooyinka deegaankaa iyo garaadada deegaanka  ayaa maanta si rasmi ah u furay shirkooda, iyagoo bilaabay kulankii u horeeyay ee lagaga wada hadlayo tabashooyinka dadka deegaankaa oo ay mudooyinkii lasoo dhaafay deegaanka widh-widh dhawr goor ka dhaceen isku dhacyo dhexmaray Ciidamadda Somaliland ee ku sugan halkaa iyo kooxda malayshiyada la baxday SSC oo kasoo jeeda deegaanka, kuwaas oo sanadii u danbeeyay isku urursaday deegaankaa.
Marti gelinta shirkaa waxa lahaa Garaad  Abshir Saalax oo ka mid ah garaarada ugu waaweyn deegaanka Sool, isla markaana Wada hadalada oo dhinaca dadka deegaanka ay uga qayb gelayaan Garaado iyo Madax dhaqameedyo kasoo jeeda deegaanka oo ay hormood u yihiin Garaad Abshir iyo Cismaan Garaad  Soofe oo ay weheliyaan  aqoonayahano kasoo jeeda deegaanka ayaa kulankoodii u horeeyay maanta yeeshay, iyadoo amaanka aad loo adkeeyay,  balse waxa jira warar sheegaya in aanay tiradii dhinaca madaxdhaqameedka ee qorshuhu ahaa inay ka qaybgalaan shirkaa ka wada qaybgelayn. Labadan dhinac ayaa wararku sheegayaan inay si wadajir ah u saareen guddi farsamo oo soo diyaarisa wixii tabasho iyo khilaafaad  jira ,kuwaas oo la filayo inay maalinta bari  ah shirkaa horkeenaan qodobada ay  u soo diyaariyaan .
Lamana oga illaa hadda sababta ay garaaddadaa ka maqani  uga soo qayb-gali waayeen shirkan, Balse garaadka fidiyey gogosha nabadeed ee lagu  qabtay deegaankiisa, Garaad Abshir Saalax ayaa ka mid ahaa garaadadii sida weyn uga soo horjeeday gooni-isutaagga Somaliland, isagoo si weyn u dhalliili jiray  xukuumadihii Somaliland soo maray, laakiin  hadda u muuqda inuu bedelo mawqifkiisii hore oo uu wax la qabsado xukuumadda Somaliland. Kadib markii uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed ee deegaankaa  iyo tabashooyinka jira ay xukuumadiisu wadahal ku dhamaynay, taas oo sababtay inay soo debcaan Garaad Abshir iyo raga kale ee ay isku fekerka ahaayeen, iyagoo soo dhoweeyay dhawaaqa Madaxweyne Siilaanyo ee nabadeed.
Si kastaba ha ahaatee talaabada ku wajahan gobolka Sool iyo xalinta khilaafka siyaasadeed ee xukuumadda Axmed Siilaanyo ayaa noqonay mid ay kalsooni weyn iyo sumcad kaga heli karto rayalcaamka Bulshada iyo beesha caalamkaba, waxaana la saadaalinayaa in shirkaa ay kasoo baxaan go,aamo midha dhal ah oo meesha ka saara mushkiladii iyo tabashooyinkii siyaasadeed ee ka taagnaa deegaankaa.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *