Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa inuu  maalinta beri  safarkiisii u horeeyay, tan iyo markii uu xilka la wareegay July 2010 debeda ugu baxo, isagoo  booqasho ugu baxaya  dalalka jaaraka, isla markaana 

 socdaalkiisa ka bilaabaya Djibouti.
Ma  jiro war rasmi ah oo ku saabsan safarka Madaxweynaha oo kasoo baxay dhinaca xukuumadda,  balse sida  ay  shebekada Araweelonews u xaqiijiyeen  warar ku dhow dhow qasriga madaxtooyada, wuxuu Madaxweyne Axmed Siilaanyo safarkaa oo la filayo inay ku wehelin doonnaan xubno ka mida Golaha Wasiiradiisa, isagoo kulamo la yeelan doona Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Djibouti iyo dublamaasiyiin ku sugan dalkaa.
 Inkasta oo ay wararka qaar sheegayaan inuu safarka Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku tegayo dalka Djibouti, hadana waxa jira warar sheegaya inuu u dhaafi doono halkaa dalalka Ethiopia iyo Kenya, kuwaas oo uu qaarkood horeba uga haystay martiqaad casuumad ay u fidiyeen xiligii uu ku guulaystay doorashada Madaxtooyada Somaliland,   iyadoo   la filayo inuu Madaxweynuhu ka hor inta aanu ka dhoofin dalka ka qaybgeleyo munaasibada sanad guuradii 17aad ee aasaaska ciidanka Bilayska Somaliland oo la xusayo.  Si kastaba ha ahaatee safarka  Madaxweyne Axmed Siilaanyo dalka dibediisa ugu baxayo, ayaa noqonaya  kii  ugu horeeyay  ee uu dalka dibediisa ugu baxo tan iyo mudadii uu xilka kala wareegay madaxweynihii hore Daahir Rayaale ee uu doorashadii madaxtooyada kaga guulaystay 26, Jun 2010.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *