Ceergaabo(ANN)Wefdigii uu hoggaaminayay Wasiirka Arimaha Gudaha  Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo magaalada Ceergaabo u jooga xalinta shaqaaqo laba dhinac oo dilal aanooyin ahi dhexmareen mudooyinkii u danbeeyay ayaa sheegay inaanay ka tegeyn gobolka Sanaag ilaa inta

ay xal ka gaadhayaan mushkilada colaadeed ee ka dhalatay dilalkaa aanooyinka ah.
Wasiiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo xalinta mushkiladaa ay xukuumaddu u xil saartay ayaa hadalkaa ka sheegay. Kadib kulan ay maanta la qaateen Odayaasha dhinac ka mid ah labada labada dhinac ee colaada iyo aanadu dhextaalay. Kulankaa oo si ballaadhan loo soo agaasimay waxa lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Sanaag ee Ceeri-gaabo, waxaana  marka laga yimaado dhinaca Odayaasha iyo waxgaradka Woqooyiga oo ka mid ahaa labada dhinac ee wax kala tirsanayay ka qaybgalay iyaguna Odayaasha  galbeedka iyo Bariga Ceeri-gaabo oo aan ahayn dhinacyada colaadu dhexmartay ee degan gobolka Ceergaabo oo ay weheliyaan culimaa’udiin iyo aqoonyahan kasoo jeeda gobolka.
wefdiga uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha  ee ay  ku  weheliyaan xalinta hawshaa Wasiirka Warfaafinta Mudane Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade), waxay kulankaa dhexmaray Odayaasha Woqooyiga Ceergaabo ku cadeeyeen mawqifkooda ku waajahan xalinta colaada oo ay sheegeen inay dhinacooda aqbaleen ergada xukuumadda iyo sidii loo soo afjari lahaa waxyaabaha sababay colaada ee sababay dilalka soo noq-noqday ee aanada, isla markaana ay diyaar u yihiin in xal laga gaadho arrintaa oo ay dhinacyada bulshada kale ee gobolka iyo degmadaba kula noolaadaan nabad waarta.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliand Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay ka go’an tahay sidii xal waara loogu heli lahaa shaqaaqadii ka dhacday Ceeri-gaabo, waxaanu xusay in wefdiga uu hoggaaminayaa ay joogi doonaan gobolka ilaa iyo inta laysla gaadhayo go’aamo nabadeed oo rasmiya. Wuxuuna xusay in gacan ku dhiiglayaashii dilalka gaystay aanay ka daba hadhayn dawladdu muddada ay doonto ha ku qaadatee, isagoo dhinaca kalena  uga mahad celiyay Odayaasha iyo waxgaradka  waqooyiga Ceerigaabo sida ay u aqbaleen ergadooda nabadeed, wuxuuna xusay  inay wefdigooda xukuumaddu  maalinta berri ah kulan noocan oo kale ah la yeelan doonaan Odayaasha iyo waxgaradka dhinaca kale ee Koonfurta Ceerigaabo.

Boqor Maxamed Boqor Axmed Cali, oo hoggaaminayey Odayaasha  waqooyiga Ceergaabo ayaa hadal dheer oo uu ka jeediyey madasha kulankaa, wuxuu  ku cadeeyay inay dhinacooda diyaar u yihiin go’aan kasta oo dhinaca wanaaga ah iyo wada dhalashada bulshada u adeegaya, wuxuuna  boqorku qiray in shaqaaqadii khasaaraha dhimasho iyo dhaawacba keentay ee dhex martay dhinacooda Woqooyiga Ceergaabo  iyo dhinaca  Koonfurta Ceergaabo ay dheg-xumo weyn u soo jiiday guud ahaan gobolka Sanaag.  Sidaa awgeed  ay dhinacooda  u dhega nug-laadeen baaqyadii nabadda ee kaga imanayey shacbiga Somaliland iyo xukuumadda.
sidoo kale Odayaasha iyo waxgaradka  Waqooyiga Ceergaabo ee kulankaa ka qaybgalay  ayaa sheegay inay taageersan yihiin go’aanka lagu guntayo nabad-gelyo waarta oo lagu soo dabaalo shaqaaqadii maalmihii la soo dhaafay ka aloosantay magaalada Ceergaabo.
Guddoomiyaha gobolka sanaag Cali Cabdi Hurre iyo Af-hayeenka xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed,oo si wada jir ah kulankaa  uga hadlay ayaa sheegay in isu tanaasulku iyo ergo qaadashadu ay astaan u tahay dhaqanka ay bulshadeenu kusoo caanamaashay, waxayna uga  mahad celiyeen  Odayaasha  Woqooyiga Ceergaabo sida ay ula qaateen in nabad lagu dhameeyo khasaarihii dhacay si aanay arintu u sii jiitamin, isla markaana dib loosoo celiyo walaalnimadii iyo wada noolaanshihii bulshada Ceergaabo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *