Hargeysa(ANN) Madaxtooyada Somaliland ayaa beenisay inay masuuliyiin ka tirsan xukuumaddu qayb ka yihiin, ama ay ka danbeeyaan Urur Siyaasadeed cusub oo  Somaliland lagaga dhawaaqay maalmihii lasoo dhaafay. Jawaabta beeninta ah ee kasoo baxaday Madaxtooyada ayaa ka danbaysay. Kadib

 

markii jaraa’idka kasoo baxa Magaalada Hargeysa qaarkood maanta daabaceen in Ururkaa Nasiye ay ku lug leeyihiin wasiiro xukuumadda ka tirsan.
Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada oo uu soo saaray Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasadda, Xidhiidhka Goleyaasha iyo Dadweynaha ee Madaxtooyadda JSL. Bashiir Cabdi Xariir ayaa u dhignaa sidan:_
“Ma jirto Ururo siyaasadeed oo ay Madaxtooyada Somaliland si gaara u taageerayso Furitaankooda sida ku soo baxday Saxaafada Qaarkeed Wararkaasi sal iyo Raatoona malaha
Xukuumada way usiman yihiin ururada cusub  ee hada la furayaa, sidii ay xukuumadu horeba u balan qaaday, waxaanay halkan ku beeninaysaa  hadalada Mala’awaalka ah ee umada lagu jaho -wareerinayo ee ku saabsan in xukuumadu gacansaar la leedahay Ururada qaar kood.
Waxa aan cidna ka qarsoonayn in ay xukuumadu ka soo jeedo xisbiga talada haya ee kulmiye oo aanay u baahnayn xisbi / urur kale oo ay ku tiirsato.
Weftigii Xukuumada ee Dhawaan burco tegay oo aan ka mid ahaa waxa ay hawshoodu ahayd ka qaybgalka Munaasibada Ciidal Od-xa oo  ay bulshadooda Gobolka Tog-dheer kala qayb galeen , manay jirin cid ku lug leh hawlo ururo siyaasadeed oo ay la kulmeen ama Xaflado ay ka qayb galeen.
Waxanan umada uga digayaa in aanay u dhegtaagin wararka aan la hubsan  ee ay baahiyeen saxaafada qaarkood oo aan ka fiirsan hadalada waxyeeli kara Mil-gaha Saxaafudu  lahaan jirtay, oo Meel ka dhac iyo ceebayna ku ah Masuuliyiinta  qaranka xilka u haya Umadoodana u adeegaya.”  ayaa lagu yidhi qoraalkaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *