Hargeysa(ANN)Weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mud,Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo weli ku sugan magaalada Ceergaabo ayaa maanta kulan la yeeshay Odayaasha iyo Waxgaradka Koonfurta Magaalada. Kadib markii ay shalay kulankaa oo kale la yeesheen dhinicii kale ee

xurguftu dhexmartay.
Kulankaa Wefdiga Wasiiradu la yeesheen maanta Odayaasha  Koonfurta Ceerigaabo  oo ka dhacay xarunta maamulka gobolka Sanaag oo ay goob joog ka ahaayeen waxgaradka Galbeedka iyo Bariga Ceergaabo iyo Culimaa’udiin, waxay ka cadeeyeen mawqifkooda ku wajahan xalinta mushkiladii dilalka iyo aanooyinka ee dhexmaray dhinaca kale, iyagoo Odayaasha Koonfurta Ceergaabo sheegay  inay go’aansadeen inay nabad-gelyo buuxda qaataan oo wada hadal lagu xaliyo shaqaaqadii todobaadkan horaantiisii ka dhacday halkaasi ee u dhaxaysay iyaga iyo bulshada  waqooyiga Ceerigaabo.
Chief Caaqil Axmed Xasan Maxamed , oo hogaaminayey Odayaasha Koonfurta Ceerigaabo ayaa hadal dheer oo uu kulankaa  ka jeediyey ku cadeeyay inay dhinacooda  diyaar u yihiin go’aan kasta oo dhinaca wanaaga ah iyo wada dhalashada bulshada u adeegaya, isagoo  caaqilku xusay in shaqaaqadii khasaaraha dhimasho iyo dhaawacba keentay ee dhex martay dhinacooda  iyo dhinaca  Waqooyiga Ceerigaabo ay Sumcad-xumo weyn u soo jiiday guud ahaan gobolka sanaag.
Chief Caaqilku waxa uu u mahad celiyay salaadiinta iyo waxgaradka Somaliland ee baaqyada nabadgelyadda u soo jeediyay , wuxuuna  ammaanay dedaalka weftiga xukuumada ee ku sugan Ceerigaabo ay u galeen xoojinta ammaanka iyo sidii xal looga gaadhi lahaa arrintaa.
Sidoo kale Cali Maxamuud Shire (Cali Baashe) oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda koonfurta Ceerigaabo ayaa sheegay inuu kasoo gurmaday magaalada Nairobi markii ay mashaqadani dhacday,wuxuuna  xusay inay yihiin dadka wax dhexmareen dad  wada dhashay oo dhiig iyo dheef-ba wadaaga, waxa dhacayna uu shaydaan ka adeegay, isagoo u  mahad naqay weftiga xukuumadda Somaliland ee gobolka u jooga  sidii xal waara looga gaadhi lahaa dhibaatada dhacday.

Waxa kale oo kulankaa  ka hadlay Cuqaal iyo aqoonyahano kasoo jeeda Odayaasha  Koonfurta Ceerigaabooo oo sheegay inay taageersan yihiin go’aanka lagu soo celinayo nabad-gelyada  iyo wada jirkii bulshada  Ood-wadaagta ah ee waqooyiga iyo koonfurta Ceerigaabo.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade oo halkaa ka hadlayey ayaa sheegay in Waftigoodu ay u yimaadeen inay kala dhex galaan xurgufta u dhaxaysay labadan dhinac  ee walaalaha ah,isla markaana  ay si caddaalad ah howsha u bilaabeen una wadaan.
Wasiirku waxa xusay inay hore ula kulmeen Odayaasha  waqooyiga Ceerigaabo, isla markaana  ay si wanaagsan oo wadaniyadi ku jirto ula qaateen go’aanadii nabadda, sidaa awgeed  uu ka  rajaynayay  dhinaca kale ee Odayaasha Koonfurta Ceerigaabo inay sidaa si la mid ah ula qaadan doonaan nabad-gelyada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland  Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ka hadlay kulankaa ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay sidii xal loogu heli lahaa shaqaaqadii ka dhacday Ceergaabo,  wuxuuna labada dhinac ee shaqaaqadu dhexmartay uga mahad celiyay siday u aqbaleen in wada hadal lagu soo afjaro xurguftii dhex taalay, isagoo sheegay inay labadaa dhinac  laga soo saari doono min 25 xubnood si wada hadalada nabaddu u furmaan.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale ayaa  jawaab adag ka bixiyey hadal kasoo yeedhay masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Puntland, kaas  oo ay ku tilmaaameen isku dhacii labada dhinac mid Somaliland  uga dan lahaayeen kicin iyo fad-qalalo , balse wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo daba socda hadalkaa ayaa sheegay  in waxa ka dhacay Ceergaabo aanay ka hadli karin niman Garoowe jooga, isla markaana   bulshada gobolka Sanaag ay yihiin kuwo is dhalay oo dhib kastana wadaaga. Sidaa awgeed aanay dad Garoowe joogaa masiirkooda ka talin karin.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *