Ceergaabo(ANN)Wefdigii uu hoggaaminayay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo magaalada Ceergaabo u jooga xalinta shaqaaqo laba dhinac oo dilal aanooyin ahi dhexmareen mudooyinkii u danbeeyay ayaa sheegay inaanay ka tegeyn gobolka Sanaag ilaa inta
ay xal ka gaadhayaan mushkilada colaadeed ee ka dhalatay dilalkaa aanooyinka ah.Wasiiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo xalinta mushkiladaa ay xukuumaddu u xil saartay ayaa hadalkaa ka sheegay. Kadib kulan ay maanta la qaateen Odayaasha dhinac ka mid ah labada labada dhinac ee colaada iyo aanadu dhextaalay. Kulankaa oo si ballaadhan loo soo agaasimay waxa lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Sanaag ee Ceeri-gaabo, waxaana marka laga yimaado dhinaca Odayaasha iyo waxgaradka Woqooyiga oo ka mid ahaa labada dhinac ee wax kala tirsanayay ka qaybgalay iyaguna Odayaasha galbeedka iyo Bariga Ceeri-gaabo oo aan ahayn dhinacyada colaadu dhexmartay ee degan gobolka Ceergaabo oo ay weheliyaan culimaa’udiin iyo aqoonyahan kasoo jeeda gobolka.
wefdiga uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha ee ay ku weheliyaan xalinta hawshaa Wasiirka Warfaafinta Mudane Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade), waxay kulankaa dhexmaray Odayaasha Woqooyiga Ceergaabo ku cadeeyeen mawqifkooda ku waajahan xalinta colaada oo ay sheegeen inay dhinacooda aqbaleen ergada xukuumadda iyo sidii loo soo afjari lahaa waxyaabaha sababay colaada ee sababay dilalka soo noq-noqday ee aanada, isla markaana ay diyaar u yihiin in xal laga gaadho arrintaa oo ay dhinacyada bulshada kale ee gobolka iyo degmadaba kula noolaadaan nabad waarta.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliand Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay ka go’an tahay sidii xal waara loogu heli lahaa shaqaaqadii ka dhacday Ceeri-gaabo, waxaanu xusay in wefdiga uu hoggaaminayaa ay joogi doonaan gobolka ilaa iyo inta laysla gaadhayo go’aamo nabadeed oo rasmiya. Wuxuuna xusay in gacan ku dhiiglayaashii dilalka gaystay aanay ka daba hadhayn dawladdu muddada ay doonto ha ku qaadatee, isagoo dhinaca kalena uga mahad celiyay Odayaasha iyo waxgaradka waqooyiga Ceerigaabo sida ay u aqbaleen ergadooda nabadeed, wuxuuna xusay inay wefdigooda xukuumaddu maalinta berri ah kulan noocan oo kale ah la yeelan doonaan Odayaasha iyo waxgaradka dhinaca kale ee Koonfurta Ceerigaabo.
Boqor Maxamed Boqor Axmed Cali, oo hoggaaminayey Odayaasha waqooyiga Ceergaabo ayaa hadal dheer oo uu ka jeediyey madasha kulankaa, wuxuu ku cadeeyay inay dhinacooda diyaar u yihiin go’aan kasta oo dhinaca wanaaga ah iyo wada dhalashada bulshada u adeegaya, wuxuuna boqorku qiray in shaqaaqadii khasaaraha dhimasho iyo dhaawacba keentay ee dhex martay dhinacooda Woqooyiga Ceergaabo iyo dhinaca Koonfurta Ceergaabo ay dheg-xumo weyn u soo jiiday guud ahaan gobolka Sanaag. Sidaa awgeed ay dhinacooda u dhega nug-laadeen baaqyadii nabadda ee kaga imanayey shacbiga Somaliland iyo xukuumadda.
sidoo kale Odayaasha iyo waxgaradka Waqooyiga Ceergaabo ee kulankaa ka qaybgalay ayaa sheegay inay taageersan yihiin go’aanka lagu guntayo nabad-gelyo waarta oo lagu soo dabaalo shaqaaqadii maalmihii la soo dhaafay ka aloosantay magaalada Ceergaabo.
Guddoomiyaha gobolka sanaag Cali Cabdi Hurre iyo Af-hayeenka xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed,oo si wada jir ah kulankaa uga hadlay ayaa sheegay in isu tanaasulku iyo ergo qaadashadu ay astaan u tahay dhaqanka ay bulshadeenu kusoo caanamaashay, waxayna uga mahad celiyeen Odayaasha Woqooyiga Ceergaabo sida ay ula qaateen in nabad lagu dhameeyo khasaarihii dhacay si aanay arintu u sii jiitamin, isla markaana dib loosoo celiyo walaalnimadii iyo wada noolaanshihii bulshada Ceergaabo.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com