Laascaanood(ANN)Guddoomiyahii  Maxkamada gobolka Sool, isla markaana ahaa  Gudoomiye Ku Xigeenkii oo si ku meelgaadh ah xilkaa u hayay markii 14 April la dilay gudoomiyihii maxkamadda gobolka Sool ayaa caawa caweyskii lagu dilay magaalada Laascaanood.  Alla hawnaxariistee  Marxuum

Maxamed Ibraahim Samatar ayaa toogasho lagu dilay ka dib markii niman hubaysan oo madaxa soo duubtay ay la beegsadeen tacshiirado rasaas ah,  isagoo lugaynayay  kuna sii socday gurigiisa.
Falkaa waxa kale oo ku  dhaawacmay nin rayid ah oo la socday Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sool, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanku. Kooxda falkaa fulisay oo aan tiradooda la xaqiijin, isla markaana aan weli la aqoonsan ayaa  baxsaday,  waxaana halkaa wax yar ka dib yimi ciidanka amaanka, kuwaas oo baadigoobaya dadkii ka danbeeyay falkaa. 
Dilkan ayaa  ku soo beegmay iyadoo ay magaalada Laascaanood ku sugan yihiin wefti ka socda xukuumada Somaliland oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Warfaafinta iyo wacyi gelinta Axmed Cabdi Xaabsade,  isla markaana xubno ka yihiin Wasiirka ganacsiga iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka oo ka soo jeeda gobolkaasi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo halkaa u tegey qabanqaabada xuska 18 May oo si weyn loogu diyaargaroobayo dalka gudihiisa iyo debedaba
Guddoomiyihii Maxkamada Gobolka Marxuum Maxamed Saleebaan Abgaal ayaa 14-kii bishii April lagu dilay magaalada laascaanood waxaana xilkan si ku meel gaadh ah u sii hayay Guddoomiye Ku Xigeenkiisii oo caawa lagu dilay Laascaanood, kaas oo noqonaya masuulkii 16 ee lagu dilo magaalada Laascaanood labadii sannadood ee u danbeeyay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *